Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Boqollaal qof oo lagu dilay gobolka Galbeedka Darfur ee Sudan

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} — Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad ​​toddobo boqol oo qof lagu dilay gobolka Galbeedka Darfur ee dalka Suudaan ka dib isku dhacyo dhawaan dhexmaray ciidamada iyo xoogaga taageerada degdega ah ee RSF.

Laakiin urur maxalli ah oo bulshada rayidka ah ayaa sheegay in ilaa 1300 oo qof lagu dilay tan iyo Jimcihii la soo dhaafay agagaarka magaalada El Geneina, waxayna ku eedeeyeen RSF-ta gabood-falladaas.

Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo RSF ay u muuqato in ay ku sii xoogaysanayso Darfur.

Goob joogayaal ayaa RSF ku eedeeyay in ay duulaan ku qaadeen xerooyinka barakaca ayna bilaabeen weeraro ka dhan ah dadka aan Carabta ahayn.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA