Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Faahfaahino kala Duwan oo ka soo baxaya Dila Xalay Ka Dhacay Degmada Guriceel

Jimco Nofembar  10, 2023 {HMC} —  Cabdullaahi Cali Hudey oo ay walaalo ahaayeen Taliyaha booliska degmada Guriceel Cismaan Cali Hudey ayaa caawa la dilay.

 

Allaha u naxariistee Cabdullahi waxaa lagu dhex dilay goob ganacsi oo Guriceel uu ku lahaa, sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

 

Koox hubeysan ayaa dishay Marxuumka, kuwaas oo dilka kadib goobta ka baxsaday, waxaana Xalay magaalada ka socda howlgallo lagu baacsanayo raggii dilka geystay.

Marxuumka ayaa ka tirsanaa ciidamada dib u xoreynta deegaanka, wuxuuna maalmihii lasoo dhaafay ka soo muuqday furinta Burujeed.

 

Dilka Cabdullahi Cali Hudey waxaa la sheegay inuu dabajoogo dil kale oo habeeno ka hor ka dhacay gudaha degmada Guriceel ee ee Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

 

Ciidamada amniga Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, gaar ahaan booliska degmada iyo NISA oo habeeno ka hor ku jiray howlgal ayaa waxay dagaal la galeen koox hubeysan oo markii dambe la sheegay inay ka ganacsanayeen maandooriyaha.

 

Iska hor imaadkii habeenkaas waxaa ku dhibtay labo qof oo mid shacab yahay midna askari ka tirsanaa ciidamada amniga, halka afar qof oo kalena Dhaawacyo Soo gaareen.

 

Dilka Xalay dhacay ee loo geystay Taliyaha booliska Guriceel walaalkiis, waxaa la aamisan yahay inuu salka ku hayo dhacdadii habeenkaas, inkastoo aan weli si dhab ah loo ogaan kooxda dishay marxuumka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA