Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Israel oo Weli sii Wada Duqeeymaha Isbitaalo ku yaalla Marinka Gaza

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} — Saraakiisha Gaza ayaa sheegay in Israa’iil ay duqaymo cirka ah ku qaadday xalay saddex Isbitaal, taasoo sii adkeynaysa nidaamka caafimaad ee khatarta ah ee deegaanka Falastiiniyiinta oo la halgamaya kumanaan qof oo ku dhaawacmay ama ku barakacay dagaalka Israa’iil ay kula jirto dagaalyahannada Xamaas.

 

“Gumaystaha Israa’iil waxay weerarro isku mar ah ku qaadeen tiro isbitaallo ah saacadihii lasoo dhaafay,” afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee Gaza Ashraf Al-Qidra ayaa u sheegay telefishinka Aljazeera.

 

Goobaha caafimaadka waxaa ka mid ahaa Isbitaalka ugu weyn Gaza, Al Shifa, halkaasoo Israel ay sheegtay in Xamaas ay ku leedahay xarumo talis oo qarsoon iyo godad, eedeymahaas Xamaas ayaa beenisay. Qidra waxa uu sheegay in Israa’iil ay bartilmaansatay barxadda dhismaha caafimaadka ee magaalada Gaza, isla markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, balse ma uusan bixin faahfaahin.

Milateriga Israa’iil ayaan isla markiiba ka hadlin hadalka Qidra.

Isbitaalada Gaza ayaa ku dhiban inay daryeelaan dhaawacyada ololaha militari ee Israel ka wado halkaas kaasoo looga dan leeyahay in lagu baabi’iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas, iyadoo sahayda caafimaadka, biyaha nadiifka ah iyo shidaalka korontadu ay ka dhamaadeen.

 

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in 18 ka mid ah 35 Isbitaal ee Gaza iyo 40 kale oo xarumo caafimaad ah ay xirmeen sababo la xiriira burbur ka soo gaaray duqeyn ama shidaal la’aan.

 

Warbaahinta Falastiin ayaa daabacday muuqaal laga soo duubay Al Shifa, kaasoo ay ku sheegtay inay muujinayso natiijadii ka dhalatay weerar ay Israa’iil ku qaadday goob baabuurta la dhigto oo ay ku hoydaan falastiiniyiin barakacayaal ah.

 

Barkad dhiig ah ayaa laga arki karay iyo meydka nin la saaray bareelo. “Weerarrada socda iyo dagaallada ka socda agagaarka (Al Shifa), waxaan aad uga walaacsanahay fayo-qabka kumannaan rayid ah oo halkaas ku sugan iyo carruur badan oo daryeel caafimaad iyo hoy u raadsada goobaahas,” ayaa lagu war ay soo saartay Human Rights Watch.

 

Qidra ayaa sheegtay in Isbitaalka Al-Rantisi iyo Isbitaalka Carruurta ee Al-Nasr ay xalay la kulmeen weeraro xiriir ah oo toos ah iyo duqeyn”. Waxa uu sheegay in duqeymo ka dhacay barxadda cisbitaalka ee Al-Rantisi ay ku gubeen gawaari balse qeyb ahaan la damiyay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA