Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxaad Kala Socotaa Xaalada Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif?

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} — Mudo labo todobaad ah kadib waxaa manta furmay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne kaasi oo saameyn ay ku yeesheyn roobkii xooganaa ee ka da’ay Magaalada.

Garoonka Diyaaradaha waxaa kusoo rogmaday Daadad xoogan oo ka dhashay roobabkii ka da’ay Magaalada oo sababay in biyo badan ay dhax Fadhiistaan Garoonka Sida ay sheegeyn Maamulka Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif oo joojiyay dhamaan Duulimaadkii Garoonka Ugaas Khaliif.

Dadka Safarka usoo ah Baladweyne iyo kuwa ka baxayo Magaalada ayaa ka duuli jiray Labadii todobaad ee ugu dambeeyay Garoonka diyaaradaha Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud kaasi oo Magaalada u jirto 120kmt .

Dadka safarka ah ayaa dhibaato weyn ku qabay mudooyinkii dambo, madaama wadada laamiga ah ay aad u burbursan tahay. Manta ayuu mar kale garoonka dib u furmay kadib markii Biyaha ay ka baxeeyn Sida ay sheekeyn Maamulka Garoonka Diyaaradaha Baladweyne.

Maamulka Hirshabeelle ayaa dhaqaalo badan oo Canshuur ah ka qaato Maalin walba Diyaaradaha yimaado Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif , mana jirto wax hormarin ah oo dhaqaalahaas loogu sameeyo Howlaha Garoonka. Maalintii markii ugu yaraato ilaa 5 Diyaaradood ayaa ka tagto Garoonka waxaana dhamaan Lacag qaado Canshuur.

Sanad walba xile roobaadka waxaa istaagay dhamaan howlaha Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif madaama roobka uu saameyn ku yeesho. Dadka reer Hiiraan ayaa sheegay in nasiib daro weyn ay tahay in sanad walba labada xile roobaad uu xirmo garoonka, taasi oo dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabelle aysan waxba ka qaban.

Dadka ayaa sheegay in Caqabad gaar ah ay haysto Garoonka diyaaradaha ugaas Khaliif. Dhaqaalaha Canshuur ahaan ugu soo xaroodo ayey sheegeyn hadii lagu celiyo in uu wax badan ka qaban lahaa Saameeynta roobka.

Sidoo kale Dowlada Soomaaliya ayaa indhaha ka qarsatay xaalada Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne, iyaga oo Garoono Cusub ka hergalisay Qaar kamid ah Gobolada Dalka Soomaaliya sanadkan.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA