Friday, April 19, 2024
spot_imgspot_img

Maxeey Ka Wada Hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed?

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC}  Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa maanta oo Jimco ah kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Mudane Abiy Axmed Cali.

 

Kulanka dhax maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Abiy ayey uga wada hadleen arrimo dhowr ah ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga labada dowlado iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa labada dowladood.

 

Xasan Sheekh ayaa inta uu joogo dalka Sacuudiga kulamo kala duwan la qaadan doono qaar kamid ah madaxda kala duwan ee ka qeyb galeysa shirka ka furmaya dalkaasi, waxa uuna kala hadli doonaa madaxdaasi arrimo khuseeya dalkeena.

 

Madaxweynaha Sacuudiga kaga qayb gali doona Saddex shir oo kala ah 1- Shirka Jaamacada Carabta 2- Shirka Ururka iskaashiga Islaamka 3- Shirka Sacuudiga iyo Afrika. Shirarkaas ayaa intooda badan looga hadli doonaa xaaladda shacabka Falaatiin.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 18-04-2024

Khamiis 18 April , 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta  Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo :: Mustaf Ali...

{DAAWO MUUQAALKA} Xarunta Qaran ee Tubsan oo Muqdisho ka furtay Kulanka ka hortagga iyo la dagaalanka fikirka AS

Khamiis-18-April-2024 {HMC} Xarunta Qaran ee Tubsan oo Muqdisho ka furtay Kulanka ka hortagga iyo la dagaalanka fikirka AS HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA. https://youtu.be/XsxfrgCejdE

WARARKA