Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maamulka Saciid Deni oo Mucaaridka ah ku eedeeyay dhacdadii maalmo ka hor ka dhacday magaalada Garoowe

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} —  Taliska Booliska maamulka Puntland ee madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyaan maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe ayaa siyaasiyiinta mucaaridka ah ku eedeeyay dhacdadii maalmo ka hor ka dhacday magaalada Garoowe.

 

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Marduuf, oo ugu horrayn ka hadlay dhacdadii khasaaraha sababtay ee ka dhacday Garoowe ayaa siyaasiyiinta, Maxamed Cabdiraxmaan Faroole iyo Asad Cismaan Diyaano ku eedeeyay in ay mas’uul ka yihiin dhibaatadaasi.

 

Taliye Maxamed Cali Marduuf ayaa sheegay in rag hubaysan oo ay soo abaabuleen labadaas siyaasi ay weerar ku qaadeen soo dhaweyn barxadda Garoowe loogu samayn lahaa Youtuber-ka lagu magacaabo Kabtan Ayuub, taasina sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

 

G/sare Marduuf ayaa sidoo kale siyaasi Asad Diyaano ku eedeeyay in gurigiisa magaalada Garoowe laga tuuray hoobiye ku dhacay nawaaxiga xarunta madaxtooyada Garoowe, islamarkaana la tuuray markii uu weerarkii barxadda dhacayay.

 

Dhinaca kale, taliyaha Booliska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa isna siyaasiyiinta mucaaridka ah ku eedeeyay in ciidamadoodu dhac u geysteen gaadiid dowladdu leedahay sidoo kale ay jiraan shakhsiyaad danbiyo kala duwan ku eedaysan oo u galay dhanka mucaaridka.

 

Maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe oo sidoo kale halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in siyaasiyiinta mucaaridka ah ay qayb ka yihiin falalka amni-darrada ah ee ka dhacaya gudaha Puntland gaar ahaanna caasimadda Garoowe.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA