Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Waa sidee xaaladda caafimaad ee madaxweyne Xassan oo qalliin galay?

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} —  Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa qalliin garabka ah ku maray dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, sida laga soo xigtay xafiiska madaxweynaha.

 

Xafiiska ayaa sheegay, in madaxweynaha uu haatan ka soo bogsanayo qalliinka ‘yar’ ee uu maray. Wax faahfaahin kama uusan bixin xannuunkiisa garabka.

 

Madaxweynaha ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Abu Dhabi, halkaas oo uu sidoo kale kula kulmay mas’uuliyiinta sar sare ee dowladaha Carabta, sida uu qoray wargeyska Sonna.

 

Waxaa uu intaa kadib u safray magaalada Riyadh ee Sacuudiga, si uu ugu qeyb galo shirweynaha waddamada Afrika iyo Sacuudiga.

 

Tan iyo markii xilka loo doortay, madaxweyne Xassan Sheekh ayaa u safray dhowr waddan oo ay ku jiraan kuwa Khaliijka, si uu taageero ugu raadiyo dagaalka ay dowladdiisa kula jirto ururka AS.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA