Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xasan Sheekh oo Sacuudiga kusoo bandhigaya mowqifka dowladda Somaaliya ee arrinta Falastiin

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} — Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu kaga qeybgeli doono saddex shir oo ‘intooda badan looga hadlayo xaaladda shacabka Falastiin.’

 

Shirarkan ayaa kala ah; shirka Jaamacadda Carabta, shirka Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo Shirka Sacuudiga iyo Afrika.

 

Sida uu sheegay agaasimaha warfaafinta Villa Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu ku galay qalliin dhanka garabka ah.

 

Cabdulqaadir Dige, ma sheegin dhibaatada garabka ka gaartay madaxweynaha, iyada oo la arkayay madaxweyne Xasan Sheekh oo gacantu u shakaalan tahay oo kasoo degaya diyaaraddii uu ku tegay boqortooyda Sacuudiga.

 

“Madaxweynaha ayaa shirarkan kusoo bandhigi doonaa mowqifka shacanka iyo dowladda Soomaaliya ee xaaladda ay dadka Falastiiniyiintu ku sugan yihiin iyo dhibaatooyinka loo geysanayo” ayuu yiri agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdulqaadir Dige.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA