Sunday, June 23, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Dib U dhis Lagu sameeyay Garoonka Diyaaradaha Baydhabo

Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC}  Arrintan la soo sheegey ayaa waxaa ay sababtay in ku-safridda diyaaradaha ay aad ugu tiirsanaadaan dadka deggan Baydhabo, oo ah magaalada ugu ballaaran Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya taas oo dadka deggan ay ka badan yihiin 1.5 milyan.

Si kastaba ha ahaatee, xataa qaabkaas loo safri karo ayaa la yimid dhibaatooyinkiisa u gaarka ah maaddaama xaaladda waddada ay diyaaraduhu ku cararaan iyo meelaha ay fariistaan ee ku dhinac yaalla garoonka diyaaradaha ee Baydhabo ay ahaayeen kuwo aad u liita oo, sanado badanba, diyaaradaha ka duula iyo kuwa ku degga waddada diyaaraduhu ku cararaan ee garoonka, gaar ahaan nooca diyaaradaha garbaha taagan leh ee loo yaqaanno fixed wing aircraft, ayaa halis ugu jirey shil ay galaan marka ay ku soo degayaan . Tani waxaa ay sababtey in diyaarado tiro yar tagaan ayna ka soo baxaan Baydhabo.

Dhammaan arrimahaas ayaa welwel badan ku hayey Dr. Fowziyo Cumar Maxamuud, oo ah isuduwaha caafimaadka ee Isbitaalka Isha Hospital ee ku yaalla Baydhabo.

“Waa ay adkaan jirtey in iyada oo dhulka la soo marinayo la keeno qalabka caafimaadka ee jilicsan sida qalabka ultrasound-ka iyo qaar ka mid ah daawooyinka, waxyaabaha loo adeegsado falgalka sheybaarka iyo daawooyinka ka sameysan opioid iyada oo looga baqayo in xamuulkaasi ay tayadiisu wax gaaraan,” ayaa ay dhakhtaraddu ka tiri dadaalladeeda ay ku keeneyso saadka caafimaadka.

Dhibaato badan ayaa soo gaartey

Garoonka oo markii hore loo yaqaanney Garoonka Diyaaradaha ee Baydhabo ayaa waxaa markii dambe loo bixiyey Garoonka Diyaaradaha ee Caalamiga ah ee Shaati-Gaduud. Waxaa la dhisiey xilligii dowladii hore ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1972dii.

Dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay 1990-meeyadii, iyo amni-xumadii xigtey ee Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed, ayaa sababey in garoonka muddo ku dhow soddon sano uusan helin dayactir iyo gacan-ku-hayn.

“Maaddaama aysan helin dayactir joogto ah, ayaa waddada ay diyaaraduhu ka duulaan uu burbur ba’an soo gaarey. Xataa QM ayaa duulimaadyadii diyaaradaha fixed wing ee balaashoodu taagan yihiin ee tegayey iyo kuwii ka imaanayey Baydhabo sanado badan u joojiyey cabsi la xiriirta bedqabka,” ayaa uu yiri Maxamed Shameem, oo ah Sarkaal Hawlgallada Duulimaadyada u qaabilsan oo Baydhabo kula shaqeeya Xafiiska Qaramada Midoobey ee Kaalmada Somaaliya (UNSOS).

“Tiro xaddidan oo diyaaradaha ganacsiga ah ayaa sii wadey duulimaadyadooda, inkasta oo ay ku khasbanaayeen in ay yareeyaan miisaanka ay soo duulinayaan, haddana weli waxaa halis ku jirtey nafta iyo hantida,” ayaa uu sii raaciyey. “Waxaa lagamamaarmaan noqotey in la dayactiro waddada ay diyaaraduhu ku cararaan si loo sii wado hawlgallo duulimaad oo bedqaba.”

Baahidii maaliyadeed iyo farsamo ee loogu baahnaa dayactiridda waddooyinka ay diyaaraduhu ku cararaan daraaddood, ayaa maamulka Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed ay awoodi waayeen in ay keli ahaantooda si buuxda wax uga qabtaan mashruuca dayactirka – taas oo sababtey in Qaramada Midoobey ay lug ku soo yeelato hawshaas.

UNSOS ayaa lug ku soo yeelatey

Isaga oo ay iskaashanayaan Maamulka Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed, ayaa Xafiiska Kaalmaynta QM ee Soomaaliya (UNSOS) uu isu taagey Garoonka Caalamiga ah ee Shaati-Guduud si uu u soo gaarsiiyo heerkii loo baahnaa.

UNSOS ayaa hawsheedu tahay in ay Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Hawlgalka Kaalmaynta QM ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed ka taageerto sidii ay u abuuri lahaayeen meel ay ka dhacdo dib-u-heshiisiin siyaasadeed, dowlad-dhisid iyo in maamulka dowladeed lagu ballaariyo guud ahaan Soomaaliya. Ayaa u bareerey culeys aan yareyn oo cusub.

Mashruuca 15ka bilood soconayey oo bilowdey bishii Jannaayo 2021 ayaa hadafkiisa guud wuxuu ahaa in la dayactiro ilaa laba kilomitir oo ka mid ah waddada ay diyaaraduhu ku cararaan iyo meelaha ay fariistaan. Hawshan ayaa la halmaashey in si ballaaran dib looga shaqeeyo laamiga iyo iyo in la kordhiyo ballaca meelaha ay diyaaraduhu fariistaan si uu si bedqab leh uu ugu xamilo culeyska diyaarad weyn.

Dhammeystirka mashruucu ma ahayn mid fudud oo hakad la’aan socday taasoo ay sabab u ahayd daahidda helitaanka qaar ka mid ah agabka, culeysyo dhinaca amniga ah iyo cudurkii safmarka ahaa ee COVID-19. Waxaa ay noqotey in la bilaabo bishii Maarso 2021 waxaana qaybtii ugu weyneyd ee mashruuca la dhammeeyey bishii Juunyo 2022.

Intii uu socdey dayactirka, waa yaraa raadka xun ee uu ku yeeshey isu-socodkii dadka iyo alaabada ee imaanayey iyo kuwii ka baxayey Baydhabo ee marayey garoonka.

“QM ayaa sameysey daraaseynta injineeriyadda (handasada), waxaa ay qorsheysey ayna diyaarisey barnaamijka dayactirka, waxaana la dhammeystirey gebi ahaan mashruuca iyada oo aan waddada ay diyaaraduhu ku cararaan aan hal maalinna loo xirin hawlgallada diyaaradaha nooca fixed-wing ee baalashada taagan leh,” ayuu yiri Mudane Maxamed Shameem.

“Ka dib markii la dhammeeyey dayactirka, ayaa waddada ay diyaaraduhu ku cararaan waxaa ay noqotey mid u habboon diyaaradaha waaweyn – xataa sida kuwa waaweyn ee C-13 Hercules,” ayuu sii raaciyey. “Sidaa daraaddeed waqtigan, waxaa meesha ka baxay welwelkii la xiriirey bedqabka ee ka dhalanayey xaaladda waddooyinka ay diyaaraduhu ku cararaan.”

Diyaaradda C-130 waa mid ka mid ah diyaaradaha matoorka marwaxadda leh ee xamuulka qaada ee ugu weyn dunida, taas oo awood u leh in ay qaaddo ugu badnaan ilaa 19,000 kilogaraam waxaana uu cabbirkeedu yahay ku dhowaad 30 mitir oo dherer ah iyo 40 mitir oo ballaca baalasha ah.

Raadka islamarkiiba ka dhashey

Raadka dayactiridda ka dhashey degdeg ayaa loo arkey, waxaa uu saamaxay in ay kordhaan duulimaadyada ay sameeyaan kuwii caadi ahaan isticmaali jirey sida bahwadaagta caalamiga ah sida Qaramada Midoobey, iyo diyaaradaha ganacsiga. Tirada dadka iyo alaabada ee korodhey ayaa macnaheedu yahay faa’iidooyin dhinaca dhaqaalaha oo u soo kordhey Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed.

Waqtigan la joogo, waxaa Baydhabo yimaada ilaa 30 duulimaad oo ganacsi toddobaad walba, iyada oo 20 ka mid ah ay ka yimaadaan Muqdisho.

Celcelis ahaan 1,500 ilaa 2,000 qof ayaa hadda isticmaala garoonka toddobaadkii, iyada oo mashruuca dayactirka ka hor ay tiradaasi ay horey u ahaan jirtey celcelis ahaan 1,000 qof toddobaadkii. Tiradaan ayaa la filayaa in ay kor u kacdo waqtiyada soo socda marka diyaarado ka waaweyn kuwa hadda ay ka faa’iideystaan waddooyinka cusub ee diyaaraduhu ku cararaan.

“Waxaan qarka u saarneyn in aan xirno garoonka, laakiin nasiib wanaag waxaa dib u dhisey Qaramada Midoobey. Waxaa uu ahaa mid aad u qallafsan oo halisna gelinaya naf iyo hantiba. Dayactirka ka dib, diyaaradaha waxaa ay hadda u soo degaan si bedqab ah iyaga oo sida xamuul aan xaddidneyn,” ayaa uu yiri Salaad Maxamed Mukhtaar, oo ah maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Shaati-Gaduud.

“Ka warran – maanta waxaan u adeegney afar duulimaad oo kuwa gargaarka bani’aadamnimada ah, saddex duulimaad oo ganacsi iyo laba duulimaad oo kuwa QM ah,” ayaa uu raaciyey. “Waxaa ay taasi si mug weyn kor ugu qaaddey dakhliga aan ka helno adeegyada duulimaadyada, waxaa ay sii wanaajisey qaadista badeecadaha waxaana ay sii wanaajisey kaabayaasha dhaqaale ee gobolka.”

Marka laga soo tago faa’iidooyinka ganacsi iyo kuwa gaadiid, waddada diyaaradaha ku cararaan iyo meelaha ay fariistaan ee la dayactirey waxaa ay sidoo kale wax ku biirinayaan dadaallada guud ahaan la halmaala nabad-dhisidda.

“Sii-wanaajinta ay sii wanaajisey isku-xirnaanta Baydhabo iyo Muqdisho, waxaa ay si aan toos ahayn wax ugu kordhisey joogteynta iyo adkeynta xiriirka u dhexeeya xarunta dhexe, oo hadda Muqdisho loola jeedo, iyo geesaha, oo ah Dowlad-goboleedyada dalka,” ayuu yiri Madaxa Xafiiska hawlgallada QM ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Arnaud Laloum.

Dhinaca kale, Dr. Fowziyo, waxaa ka fududaadey welwelkii ay ka welweli jirtey helitaanka daawooyinka iyo qalabka aadka loogaga baahnaa isbitaalkeeda.

“Waxaas oo dhan waxaa ay isla beddeleen dayactirkii lagu sameeyey garoonka” ayaa ay tiri.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 23 06 2024

Axad june,23 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Hhabeenimo ee Warbaahinta  Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: cabdiqani cosoble Farsamadii...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyey Soomaaliya iyo Caalamka 23 06 2024

Axad june,23 2024 {HMC}  Wararkii ugu Dambeeyey Soomaaliya iyo Caalamka 23 06 2024 HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA