Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Dibad baxa lagu taageerayo Dadka reer Falastiiniyiinta oo Lagu qabtay Magaalada London

Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC} In kabadan 300,000 oo qof ayaa socod ku maray wadooyinka Magaalada London, afhayeen u hadlay booliiska oo aan la magacaabin ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP, iyadoo taageerayaasha Falastiiniyiintu ay sameeyeen baaqii ugu dambeeyay ee xabbad-joojinta Qaza.

Dadka wadada marayey waxaa ka mid ahaa mudaaharaadayaal garabka midig ah oo kasoo hor jeeday dibad baxan Falastiiniyiinta kuwaas oo la dagaalamay ciidamada booliska.

 

Duqa magaalada London Sadiq Khan iyo wasiirka koowaad ee Scotland Humza Yousaf ayaa ku eedeeyay wasiir Suella Braverman inay dhiirigelisay xisbiga midigta fog ka dib markii ay booliska ku eedaysay horaantii usbuuca inay u xaglinayaan “kooxaha Falastiiniyiinta taageersan”.

 

“Muqaallada qalalaasaha ee aan ku aragnay midigta fog ee Cenotaph waa natiijada tooska ah ee erayada Xoghayaha Arrimaha Gudaha,” Khan ayaa ku yiri baraha bulshada.

 

Braverman waxa ay la kulantay dhaleecayn ka dib markii ay ku tilmaamtay mudaaharaadayaasha Falastiiniyiinta lagu taageerayo inay yihiin “mudaaharaad nacayb”.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA