Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Isimada Dhaqanka ee SSC Khaatumo oo nabad ku baaqay

Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC}  Isimada Dhaqanka SSC Khaatumo, ayaa ku baaqay nabad, kadib markii dagaalo ay qaar kamid ah beelaha gobolka Sool wada daga dhexmareen dhawaan.

Isimada dhaqanka SSC Khaatumo ayaa nabad ku baaqay kadib markii shalay uun salaadiinta dhinaca kale ay ku baaqeen dagaal buuxa, iyada oo labada dhinac ay maalmahan isku hub urursanayeen.

“Suldaanku shalay wuu hadlay, Suldaan Siciid wuxuu yidhi dagaalka waan fasaxay, lakiin anagu nabad ayaanu leenahay, mar hore iyo mardanbaba, maamul ahaan iyo dhaqan ahaanba waxaanu rabna in aanu dariska nabad kula noolaano” ayay yidhaahdeen.

Waxa ay sheegeen in ay raaligalin ka bixinayaan qaladkasta oo iyaga dhankooda ka dhacay, iyaga oo sheegay in askar ka tirsan ciidamada Somaliland oo deegaanka dad ku laayay ay sababeen dhibaatada dhacday markii danbe.

Waxa ay sheegeen in anay marnaba xad gudbi doonin isla markaana ay dadkooda ku wacigalinayaan in ay is xakameeyaan oo anay samaynin wax xad gudub ah.

Waxa ay sheegeen in dadka Somaliland anay nabad ku baaqi karin, oo qofkii nabad ku baaqa loo arko qof Somaliland wax yeelaya.

Dagaalada oo dhawaan ka dhacay deegaanada Yayle iyo Buqdharkayn ee gobolka Sool, ayaa u dhexeeyay beelo halkaa wada daga, iyada oo sidookale ciidamada SSC Khaatumo iyo kuwa Somaliland na uu isku dhac dhexmaray.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA