Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Musharixiinta Mucaaradka Puntland oo war Cusub kaso saaray dagaalkii Garoowe

Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC}  Musharixiinta mucaaradka ee maamul goboleedka Puntland oo shir ku yeeshay Garoowe ayaa war cusub kasoo saaray xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan shaqaaqadii ugu dambeysay ee ka dhacday gudaha magaalada Garoowe.

Ugu horeyn xubnaha mucaaradka ayaa sheegay inay cambaareynayaan dagaalkii u dambeeyey ee todobaadkii hore ka dhacay caasimada oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

“Dalladu waxay ka xun tahay isla markaana cambaaraynaysaa falkii ka dhacay barxadda caasimada Garoowe 07/11/2023, kaas oo ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay soo saareen xubnaha mucaaradka Puntland.

Sidoo kale mucaaradka ayaa dagaalkaas ku eedeeyay madaxweynaha Saciid Deni oo ay sheegeen inuu fidno ka abuurayo Puntland oo haatan wajahaysa xaalad hubanti la’aan ah.

“Cawaaqib xumadii ka dhalatay dhacdadaas waxaa leh madaxweynaha xilkiisa ku dhammaadka yahay” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo ay farriin u direen ciidamada ammaanka oo ay ugu baaqeen in aysan ku milmin siyaasadaha is diidan ee maamulkaas, ayna ku ekaadaan howlaha amniga.

Intaas kadib midowga musharixiinta mucaaradka Puntland ayaa dalbaday in xal loo helo xiisadda ka taagan Puntland, waxayna ugu baaqeen waxgaradka inay doorkooda qaataan.

“Dalladu waxay ugu baaqeynaa dhaqanka, culimada, nabadoonada, cuqaasha iyo waxgaradka kale inay u istaagaan ka hortega fidnimada uu hurinaayo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaadka yahay” ayuu lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Puntland ayaa haatan wajahaysa xaalad cakiran oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada maamulkaas oo ay weli isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo Deni.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Khadiija ”Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Wasiir Khadiija ''Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA