Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ra’isul Wasaare Xamse oo ka Hadlay Go’aannadii kasoo baxay Shirkii Amniga Qaranka

Sabti  Nofembar 11, 2023 {HMC} —  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa ka qayb galay munaasabad casho ah oo Taliyaha Ciidanka Boolisku u sameeyey ka qayb galayaashii shirka Amniga Qaranka gaar ahaan Booliska, ayuu ka sheegay in Xukuumadda ka go’antahay tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhaweeyey go’aanadii ka soo baxay shirka, isagoo tilmaamay in Xukuumadda #DanQaran ay dadaal dheeraad ah galinayso tayada, Tirada, Cududda iyo qalabaynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si loo xoojiyo amniga guud ee dalka kala danbaynta, gaar ahaan deegganada laga xoreeyey Khawaariijta.

Mudane Xamsa ayaa ku bogaadiyey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sugidda amniga gaar ahaan caasimadda oo uu sheegay in isbeddel badan oo amni ka muuqdo hadda, ciidankuna si gaara uga feejigan yihiin dhagaraha Khawaariijtu la maagan yihiin shacabka, sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in hadda shacabka Soomaaliyeed si dhaw ula shaqeeyaan Ciidanka amniga taasina ay qayb muhiim ah ka qaadatay ka hor taga dhagaraha Khawaariijta.

Gabogabadii Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray ciidamada qalabka sida ee ku sugan deegaannada ay saameeyeen roobabka iyo daadadka El-nino, inay qayb ka qaataan samatabixinta dadka, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in kaalin wayn ka qaataan gurmadka dowladdu wado ee dadkaasi lagu gargaarayo.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA