Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Safiirka UK ee Soomaaliya oo ballan-qaad u sameeyay reer Baydhaba

Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC}  Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka UK u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Nithavrianakis oo gaaray magaalada Baydhaba.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa waxaa looga hadlay xaaladda adag ee ka taagan maamulkaas, gaar ahaan daadadka ku dhuftay Baydhaba.

Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ahaa wasiirada qorshaynta, cadaaladda, gargaarka iyo howlaha guud, ayada oo la’isaga wareystay saameynta ka dhalatay fatahaadda.

Waxaa sidoo kale kulankan lagu soo qaaday diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee la filayo inuu dhawaan ka billowday Koonfur Galbeed.

Danjiraha dalka Ingiriiska ee Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa dhankiisa adkeeyay in socdaalkiisa Baydhaba uu la xiriiro sidii dowladdiisa ay kaalin ugu qaadan lahayd ugurmashada dadka uu saameynta ku yeelatay tatahaadda biyaha iyo sidii ay u taageeri lahayeen dadaalka maamulka Koonfur galbeed ee daadejinta adeegyada dowladda.

Uk ayaa kamid ah dowladaha reer Yurub ee taageerada siiya Soomaaliya, isla-markaana ka caawiyaan dhanka dhaqaalaha tababarada ciidamada iyo mashaarciida horumarineed.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha uu sida daran u saameeyeen daadadka ka dhashat roobabkii ka da’ay Muqdisho, waxaana ugu sii daray magaalada Baydhabo oo ay ka barakaceen qoysas badan, kadib markii ay ku rogmadeen biyo aad u fara badan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA