Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya oo mogdisho ka furmay iyo RW Xamsa daahfuray

Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya oo lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi ee kheyraadka badaheenna.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirigeliyey maalgashadeyaasha gudaha iyo caalamkaba in ay ka faa’iideystaan fursadaha badan ee ka bannaan maalgashiga dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay dedaal ugu jirta soo jiidashada iyo dhiirigalinta maalgashiyo caalami ah, si kor loogu qaado wax soo saarka dalka, taas oo horseedi karta isku filnaansho dhaqaale oo waara.

“Waxa uu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in degenaansho la’aanta iyo colaaddaha ka jiray dalka ay horseedeen in laga faaiideysan waayo kheyraadka dalka. Isaga oo caddeeyey in Soomaaliya ay hadda diyaar u tahay in lala ganacsado oo lala faai’ideysto, xukuumadduna ay meelmarisay shuruucdii hagi lahayd maalgashiga dalka,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Shirka oo soconaya muddo labo maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda F. Soomaaliya, Wasiirrada Kalluumeysiga Maamul goboleedyada, Safiirro iyo shirkado caalami ah oo daneeya kheyraadka badaha.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA