Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Turkiga oo taageerada Xamaas ku waayi kara qorshe uu doonayey muddo nus qarni ka badan

Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC} Guddiga Yurub oo ah hay’adda fulinta ee Midowga Yurub (EU) ayaa maanta ku dhawaaqday wrbixinnada ballaarinta ee 10 waddan, oo ay ku jiraan Galbeedka Balkans, Ukraine iyo Turkiga.

Warbixinta ayaa xustay in guddiga uu bilaabayp wada xaajoodyada dalalka doonaya inay ku biiraan ururka sida Ukraine, Moldova iyo Bosnia iyo Herzegovina, waxaase la xusay in Turkigu uusan qaadin wax tallaabo ah oo uu kaga laabanayo rabitaankiisa Miwoga Yurub, balse ficillada qaar ay ka fogayn karan xubinnimada u udoonayo.

Warbixinta oo ka kooban 141 bog, ayaa lagu xusay in Turkiga sanadihii ugu dambeeyay uu hoos u dhac weyn ku yimid dhinacyada ay ka mid yihiin xuquuqul insaanka, xorriyaadka aasaasiga ah, bulshada rayidka ah iyo sarreynta sharciga.

Babacsanaan ba’an oo dhanka shaqada ah ee hay’adaha dimuquraadiga ah iyo in xadhiga Osman Kavala iyo Selahattin Demirtaş ee ka dhanka ah go’aannada Maxkamadda Yurub ee Xuquuqda Aadanaha (ECHR) ay sababtay in garsoorka Turkiga uu ka guuro halbeegyada caalamiga ah sida warbixintu tilmaamtay.

Turkiga ayaa warbixinta lagu sheegay in siyaasaddiisa arrimaha dibaddu aysan la jaan qaadi karin Midowga Yurub hoosna ay u dhacday 10%.

Xamaas oo uusan cambaarayn ayaa warbixintu xustay inay muujinayso in kala fogaansho ka muuqada dhinacyda ka dib weerarkii ay Xamaas ku qaadday Israa’iil muddo laga joogo soddon iyo shan maalmood.

awaabta Turkiga ee warbixinta
Wasaradda arimaha dibadda ee Turkiga oo ka jawaabtay earbixinta Midowga Yurub waxay sheegtay in ururku wali ku adkaysanayo hab dhaqankiisa caddaalad darrada ah iyo eex ku wajahan Turkiga taasoo walaac galinaysa sida mustaqbalka qaaraddu u ekaan doonto, ayaa lagu yiri bayaanka Turkiga.

“Xidhiidhka caalamiga ah ee hadda jira, waxaa lagama maarmaan ah in Midowga Yurub uu si caddaalad ah oo loo dhan yahay u fuliyo siyaasaddiisa ballaarinta, waa xaqiiqo uu Midowga Yurub laftiisa aqbalay in baahida loo qabo xoojinta xiriirka Turkiga iyo Midowga Yurub ee dhinacyada oo dhan ay ka midaysan yihiin.” Ayaa la sii raaciyey bayaanka wasaarada arimaha dibadda Turkiga.

Turkigu wuxuu ugu baaqay Midowga Yurub in dhismaha xirirka ka dhaxeeya uu waafaqsanaado danaha guud ee labada dhinac ay doonayaan in ficillada iyo khudbada madaxda la jaan qaadaan is ogolaanshooda

Warbixinta ayaa sharraxday in hawshani socotay ilaa doorashooyinkii madaxtooyada iyo baarlamaanka ee qabsoomay bishii May.

Qodobbada ugu weyn ee lagu eedeeyey Turkiga

1.Hay’adaha aan dowliga ahayn ayaa la kulmay cadaadis

2. Xaquuqda aadanaha

Turkiga oo ku guuldareystay inuu u hoggaansamo go’aamada ECHR wuxuu sababay inuu ka guuro xuquuqda aadanaha iyo halbeegyada xoriyada aasaasiga ah ee ay dejiyeen Golaha Yurub taas uu xubin ka yahay.

3. Xoriyatul qawlka

Warbixintu waxay dul istaagtay in dibu dhac halis leh ka jiro dhinacyada Turkeya ee Saxafiyiinta, qorayaasha, qareennada, aqoonyahannada, difaacayaasha xuquuqda aadanaha iyo codadka muhiimka ah.

Waxaa la arkay in xoriyatul-qawlka la xaddiday doorashadii May 2023-ka, awooddii cod-bixiyayaashuna ay ku gaari lahaayeen go’aamo xog-ogaal ah ay saameyn xun ku yeelatay.

4. 59 wariye oo la xiray

Sida laga soo xigtay suxufiyiinta aan xuduuda lahayn, Turkigu wuxuu hoos uga dhacay liiska xorriyadda saxaafadda adduunka ee 2022 wuxuuna galay kaalinta 165aad ee 180 waddan.

Sida ku cad xogta June 2023, 59 suxufi iyo shaqaale warbaahin ah ayaa xukunkooda ku qaadanaya xabsiga ama sugaya maxkamad.

Warbixinta Midowga Yurub ayaa mar kale humaag galisay doonistii waqti dheerayd ee Turkeygu dalbanayey inuu helo xubinimada ururkaas

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA