Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

XOGTA Sarkaal AS ah oo u Gacan galay Ciidanka Macawiisleyda

Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ay ka sameeyeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday saraakiil ka tirsan AS.

Qoaraal lagu daabacay warbaahinta ciidamada ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan uu ahaa mid guulaystay, isla markaana uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Sida ay warbaahintu sheegtay waxaa howlgalkan lagu soo qabtay sarkaal ay magaciisa ku sheegtay Cabaas Garoobshe, kaas oo si weyn looga yaqaanay aagga Ceeldheer.

“Ciidanka dib u xuraynta deegaanka ayaa howgal guulaystay oo ay ka fuliyeen degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud waxay gacanta ku soo dhigeen horjooge si weyn looga yaqaanay deegaanka kaas oo lagu Magacaabo Cabaas Garoobshe” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa howlgalkan lagu dilay sarkaal kale oo lagu magacaabo Ilkacase, kaas oo lagu eedeeyay inuu dhibaato wey ka gaystay halkaasi

“Ciidanka deegaanka ayaa sidoo kale nafta dhaafiyey dhagar qabe Magaciisa lagu soo gaabshay Ilkacase kaas oo in badan bulshada ay ku sheegayn in uu ahaa shaqsi aad dhibaato ugu gaysan jiray Shacabka” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Howlgalkaan ayaa ka mid ah dhowr howlgal oo ciidanka deegaanka iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen deegaano hoostaga degmooyinka Gobolka Galgaduud.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah As, kaas oo ay deegaano badan ku xoreeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Macawiisleyda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA