Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ciyaar yahayn ku dhintay garoonka dhaxdiisa xilli uu kubad ciyaarayay

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC}  Ciyaartoyda caanka ka ah Qaranka Ghana, Raphael Dwamena ayaa ku dhintay garoon uu ku ciyaarayay, kaddib markii uu xanuun kusoo booday uuna ku dhax dhacay garoon kuyaalla dalka Albania.

 

Xiddigan geeriyooday ayaa katirsanaa kooxda kubadda cagta ee Egnatia ee ka ciyaarta horyaalka dalka Albania, waxa uuna ciyaaryahanka oo ka ciyaarayay dhinaca weerarka dhintay shalay oo Sabti aheyd xilli uu garoonka ku jiray isaga oo matalayay kooxdiisa.

 

War kasoo baxay xiriirka kubadda cagta ee dalka Albania ayaa lagu sheegay in dhaqaatiirta ku guuldareesteen badbaadinta ciyaaryahanka, waxa ayna xiriirka tacsi u direen kooxdii uu katirsanaa iyo qoyska ciyaaryahan Raphael Dwamena .

 

Ciyaaryahankan geeriyoday ayaa ahaa gool-dhaliyaha ugu sareeyay horyaalka dalka Albania, waxa uuna kooxdiisa xilli ciyaareedkan u dhaliyay sagaal gool, halka qarankiisa uu u saftay sagaal kulan uu u dhaliyay labo gool.

 

Raphael Dwamena ayaa sannadkii 2021-kii ayuu ku dhacay garoonka ciyaar ka dhacday Austria oo dhexmartay kooxdiisa Blau-Weiss Linz iyo Hartberg, laakiin wuu soo kabsaday, oo wuxuu sii watay xirfaddiisa ciyaareed.

 

Ciyaaryahakan geeriyooday ayaa usoo ciyaaray kooxo katirsan horyaalka dalka Spian, waxa uuna mar ku sigtay in uu ku biiro kooxda ka dhisan horyaalka Ingiriiska Brighton, hasa ahaatee ciyaaryahanka ayaa ku dhacay tijaabada caafimaadka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA