Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Dowladda oo soo bandhigtay Sargaal ka tirsanaa A S

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Ciidanka dowladda Soomaaliya oo garab ka helayay kuwa dadka deegaanka ayaa shalay howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud kusoo qabtay sargaal katirsanaa Al Shabaab.

Sargaalkan ciidanka soo qabteen ayaa la sheegay in kooxda Al Shabaab u qaabilsanaa qaadista lacaga Al Shabaab dadka ka qaadaan iyo sidoo kale urururinta xoolaha ay Al Shabaab ku sheegeen Sakawaadka.

Dowladda Soomaaliya ayaana maanta warbaahinta usoo bandhigtay sargaalkan ciidamada soo qabteen oo lagu magacaabo Cabaas Caraaye {Garoobshe}, waxaana sargaalkan oo lagu wareejiyay laamaha ammaanka ku socda baaritaanno .

Ninkan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu kamid ahaa odayaasha deegaanka ee loo xil saaray la shaqeynta Al Shabaab, waxa uu sheegay sargaalkan in uu hadda nabbad qabo wax dhibaato ahna aysan gaarsiin ciidanka gacanta ku haya.

Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud waxaa gacanta ku haya kooxda Al Shabaab , kaddib markii ay horey uga baxeen ciidanka dowladda, waxaana shalay ciidanka howlgal qarsoodi ah ay ka fuliyeen degmadaasi kusoo qabteen sargaalkan halka mid kalana dileen. 

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA