Tuesday, May 14, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Israa’iil oo khasaare Xoogan ka soo gaaray Dagaalkii maanta ay la gashay Xisbullah

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Dhacdooyin dhowr ah oo isdabajoog ah ayaa ka dhacay xadka woqooyi ee Israa’iil saacadii la soo dhaafay sida ay ku warameysi warbaahinta bariga dhaxe.

 

In kabadan Toddobo askari oo Israa’iiliyiin ah ayaa ku dhaawacmay weerar hoobiye ah sida ay warbaahinta u sheegeen Israa’iiliyiintu iyagoo intaas sii raaciyay inay taas kaga jawaabeen madaafiic ay ku garaacidoonaan fariisimaha Ururka Xisbulla.

 

Intaa Ka dibn waxaan la maqalnay in 15 gantaal laga soo tuuray wadanka Lubnaan kaas oo ay ku dhawaacmeen lix qof oo rayid Israa’iiliyiin ah oo mid aad u daranyahay.

waxaa la sheegay in gantaalahaan loo adeegsaday gantaalka lidka taangiyada.

weeraradan ayaa yimid kadib markii Yoav Gallant, wasiirka gaashaandhigga uu sheegay in Xamaas iyo Xisbullah ay tijaabinayaan Israa’iil, ayna isku dayayaan inay ka mashquuliyaan howlgalka Qaza.

Israa’iiliyiintu waxay yiraahdeen kuwani hadda ma ahan daandaansi oo kaliya – tani waa gardaro. “Haddii ay nagu sii wadaan weerarka waxay samayn doonaan khaladkii ugu weynaa noloshooda,” Gallant ayaa yidhi.

Dowladda Maraykanku waxay ka walaacsan yihiin sare u kaca xaaladda dhanka woqooyi e Israa’iil. Ma rabaan inay arkaan waxa Qaza ka dhacaya oo isu badala colaad goboleed aad u weyn, mar walbana khatartaas ayaa jirta.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {13-05-2024}

Isniin, 13, May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahmaan...

{DAAWO MUUQAALKA} Somaliland oo sheegtay in ay si dhakhso ah ugu duulayso Laascaanood

Isniin-13-May-2024 {HMC} Somaliland oo sheegtay in ay si dhakhso ah ugu duulayso Laascaanood HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/evUidHVjVy8

WARARKA