Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Israel oo Duqeysay xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada Gaza

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta ee UNDP ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay wararka sheegaya in duqeymo khasaare geystay ay ka dhaceen xarunta ugu weyn ee Qaramada Midoobay ku leedahay Gaza.

Warbixin ay soo saartay, UNDP waxay ku sheegtay in la duqeeyey xarunta ay maamulaysay Barnaamijkeeda Kaalmaynta Shacabka Falastiin ee UNRWA.

Madaafiicda ayaa la sheegay in ay ka dhasheen khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac ah oo aad u badan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“6-dii Nofembar UNDP waxay sheegtay in dhowr boqol oo qof oo magangalyo doon ah ay galeen xarunta, waxaana jira calaamado muujinaya in tiradani ay aad u korodhay,” ayay raacisay.

Madaxda hayada UNDP ayaa yiri: “Masiibada joogtada ah ee dhimashada iyo dhaawaca ee soo gaartay dadka rayidka ah ee ku xayiran colaaddan waa wax aan la aqbali karin, waana in la joojiyo. Dadka rayidka ah, kaabayaasha rayidka iyo ku xad-gudubka xarumaha Qaramada Midoobay, waa in la ixtiraamo oo la ilaaliyo mar kasta. Sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, oo ay ku jiraan mabaadi’da kala-soocidda, saami-qaybsiga, iyo taxaddarka, waa in la ixtiraamaa oo la dhowraa” ayaa lagu yiri qoraalka UNDP

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA