Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Uganda oo ciidamadeeda ka eriday labo sarkaal oo ATMIS ka tirsan oo lagu eedeeyay fuleynimo

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC}  Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dalka Uganda oo muddooyinkan ku shaqeynaysay saldhigga ciidamada Uganda ee gudaha Soomaaliya, ayaa xukun ku ridday labo sarkaal oo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta ATMIS ee Soomaaliya.

Maj John Steven Oluka, oo 58 jir ah, iyo Maj Zadock Abor, oo 49 jir ah, ayaa lagu helay dambi la xiriira Fulaynimo, waxaana lagu ciqaabay in laga eryo ciidamada.

Labada sarkaal ayaa loo haystaa inay si xun u maareeyeen weerarkii Alshabaab ay bishii May ee sanadkan ku qaadeen xerada ciidanka Uganda ee Buulo Mareer, halkaas oo ay ku dileen in ka badan 5o askari.

Labada sarkaal ayaa la xaqiijiyay inay hayeen warbixino sirdoon ah oo la xiriiray weerar kaga soo wajahan Al-Shabaab, balse waxay ku guuldareysteen in ay si waafi ah u qorsheeyaan oo ay ka jawaabaan weerarkaas, waxayna ku guul daraysteen inay ciidamada dagaal galiyaan, taas bedelkeedna ay dib ugu gurteen degaanka Golweyn.

Dowladda Uganda waxay sheegtay tallaabada ay qaadeen labadan sarkaal ay in hoos u dhigtay sumcadda ciidankeeda. Waxay kaloo raacisay in falka ay sameeyeen ay ku wayday askar badan iyo qalab ciidan.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA