Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Laamaha Amniga oo gacanta kusoo dhigay Haweeney Muqdisho ku dishay laba Haween ah

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Ciidanka ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta gacanta kusoo dhigay haweeney xalay xaafada Buur-Bishaaro ee deegaanka Gubadley ee duleedka magaalada Muqdisho ku dishay labo haween ah oo guri la degnaa.

Dilkaan oo haweeneyda ay u adeegsatay tooreey ayaa ka yimid, kadib markii haweeneyda iyo labada haween kale ee la dilay uu soo kala dhex galay muran kooban oo ka dhashay carruur yar yar oo is dagaallay, kuwaasi oo guriga isla joogay.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in haweeneyda falka geysatay ay mar qura soo qaadatay tooreey, isla markaana qeybaha sare ee jirka kala aaday labada dumar oo xilligaas ku kala jiray laba qol oo isku dagan.

Allaha u naxariistee haweenka la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabay jiray Nimco Saalax iyo dumaashideed Iqro Daahir Mahadi, waxaana haweeneyda dilka geysatay iyana magaceeda lagu sheegay Anbiyo Maxamed Cali.

Taliska Booliska oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in Anbiyo Maxamed gacanta lagu soo dhigay, isla markaana cadaalada la horgeeyn doono, maadaama ay nafta naafisay Nimco Saalax iyo dumaashideed Iqro Daahir Mahadi oo ay guri wada daganaayeen.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA