Monday, May 13, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay dhiggiisa dalalka Ciraaq iyo Eretariya

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC}  Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ka sugan Sacuudiga ayaa kulamo ka wada magaalada Riyaad ee caasimada dalkaasi.

Xasan Sheekh ayaa maanta la kulmay dhiggiisa dalka CiraaqMudane Abdul Latif Rashid oo hoggaaminayey wafdiga dalkiisa ee ka qeyb-galay shirka dalalka Islaamka.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin is-dhaafsiga khibradaha iyo xirfadaha la xiriira dagaalka lagula jiro waxa loogu yeero Argagixisada, iskaashiga amniga iyo danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeya Labada shacab ee walaalaha ah.

Soomaaliya iyo Ciraaq ayaa ah laba dowladood oo halgan kula jira argagixisada weerarka ku ah dalalkooda, kuwaas oo dib dhibaato ku haya labadaan dowladood.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan duceed kale la yeeshay dhiggiisa dalka Eretariya Isaias Afwerki oo ay ka wada qeyb-galeen Shirka Sacuudiga iyo Afrika

Xasan Sheekh iyo Afwerki ayaa ka wada halday xaaladda gobolka,iyaga oo adkeeyey xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya shacabka Soomaaliya iyo dhiggooda Ereteriya/

Waxaa kale oo ay isla qaateen in la sii xoojiyo, wadajirna loo wajaho caqabadaha ay wadaagaan labada dal.

Eritrea ayaa kamid ah dalalka ciidamada u tababara Soomaaliya, waxaana weli dalkaas ku maqan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku jira xeryaha dalkaasi.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {13-05-2024}

Isniin, 13, May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahmaan...

{DAAWO MUUQAALKA} Somaliland oo sheegtay in ay si dhakhso ah ugu duulayso Laascaanood

Isniin-13-May-2024 {HMC} Somaliland oo sheegtay in ay si dhakhso ah ugu duulayso Laascaanood HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/evUidHVjVy8

WARARKA