Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Netanyahu oo sheegay in uusan aqbali doonin in Falastiin ay maamusho Magaalada Gaza.

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday fikradda ah in Gaza ay noqoto magaalo ay maamulkeeda yeeshaan Falastiiniyiintu marka uu dhammaado dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, mowqifkaas oo ah mid khilaafsan kan madaxweynaya Mareykanka Joe Biden.

“Waa inay jiraan wax intaas ka badan,” Netanyahu ayaa ku yiri shir jaraa’id Sabtidii isagoo ka jawaabaya su’aal ku saabsan in maamulka Falastiin, oo qayb ahaan gacanta ku haya Daanta Galbeed ee la haysto, uu maamuli karo Gaza dagaalka kadib.

“Ma jiri doonto maamul rayid ah oo caruurtooda bara naceybka Israel, laadayaan Israa’iiliyiinta iyo baabi’inta Dawladda Israa’iil.” ayuu yiri Netanyahu.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa Arbacadii dajiyay shuruudo lagu dhisayo dowlad kadib dagaalka.

“Waa inay ka jirtaa dawlad ay Falastiiniyiintu hoggaamiso oo ka jirta marinka Gaza iyo Daanta Galbeed oo mideysan,” ayuu yiri Blinken.

Horraantii Sabtidii, iyada oo dhibaatada bini’aadantinimo ee isbitaalka Shifa ay ka sii dartay, ayaa Israa’iil waxa ay sheegtay inay diyaar u tahay inay carruurta ka daadgureyso isbitaalka kadib markii laba carruur ah ay dhinteen tobannaan kalena ay halis soo wajahday markii uu dhammaaday shidaalkii matoorrada.

“Aaladaha caafimaadka waa joogsadeen. Bukaannada, gaar ahaan kuwa daryeelka degdegga ah, ayaa bilaabay inay dhintaan,” ayuu Agaasimaha Isbitaalka Al-Shifa Mohammed Abu Selmiya ku yiri wareysi lagala yeeshay khadka telefoonka.

Isha: VOA SOMALI

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA