Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Q/M oo Puntland ugu baaqday hirgelinta heshiis nabadeed oo dhax mara SSC iyo Somaliland

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Qaramada Midoobay ayaa dowladda Puntland ugu baaqday in ay doorkeeda ka qaadato hirgelinta heshiis nabadeed oo lagu dhammeeyo colaadda labada maamul ee Somaliland iyo SSC-Khaatumo.

Baaqaas waxa jeedisay ereyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ms. Catriona Liang oo Sabtidii ka hadlaysay magaalada Garoowe halkaas oo ay kulan kula yeelatay madaxda sare ee Puntland.

Waxaan Puntland ugu baaqaynaa in ay doorkeeda ka qaadato dhiirrigelinta in labada dhinac ay khilaafkooda ku xalliyaan si nabadgelyo ah si loo hubiyo in aanu gacan-ka-hadalku mar kale kor u kicin.

Waa in ay jiraan tallaabooyin lagu soo celinayo is-aaminaadda oo la halmaala is-dhaafsashada maxaabiista sidaa daraaddeed in Puntland ay doorkeeda qaadato iyada oo adeegsaneysa xiriirka sokeeyenimo ee qabaa’ilka si loo hubiyo in waddo nabadeed lagu socdo” ayay tiri marwo Catriona Liang.

Waxay sidoo kale Puntland ku amaantay in ay marti-gelisay in ka badan 100,000 oo rayid ah kuwaas oo bara-kacay markii ay socdeen dagaalladii Laascaanood “Waan ogsoonahay in ay taasi ahayd mas’uuliyad aad u weyn waxaana Puntland uga mahadcelineynaa sida diirran ee ay u qaabishey dadkaa” ayay sii raacisay.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA