Saturday, May 11, 2024
spot_imgspot_img

Ururka Bisha Cas oo warbixin naxdin leh ka soo saaray dagaalka Israa’iil ee Qaza

Axad  Nofembar 12, 2023 {HMC} Ururka Bisha Cas ee Falastiin ayaa ku eedeeyay ciidamada Israa’iil in ay weerareen oo rasaas ku rideen afar isbitaal oo ku yaalla Marinka Gaza 24 saac gudahood.

Madaxa ururka Caafimaadka WHO ayaa Golaha Amniga ee QM u sheegay in nidaamkii caafimaadka ee Gaza uu gabi ahaan ku dhow yahay in uu joogsado, isagoo sheegay in hal cunug lagu dilo Gaza 10 daqiiqaba.

Ciidamada Israa’iil ayaa Jimcihii beeniyay in ay rasaas ku fureen isbitaalka Al-Shifa, waxayna Xamaas ku eedeeyeen in ay rideen gantaal lala beegsaday ciidamada Israa’iil oo ay ka soo gantay isbitaalka.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa si cad u sheegay in aysan daneyneyn xabad joojin laga hirgeliyo Qaza, isagoo ku andacooday in ciidamadiisa ay howlo wanaagsan ka wadaan marinka Qaza.

Isbitaallada waxaa buux-dhaafiyey dhaawacyo dadka reer Falastiin ah oo u badan carruur, hadana waxaa lagu sii beegsanayaa oo ciidamada Yahuuda ay joogto u duqeeyaan isbitaalada.

“Waxaan ugu baaqayaa golaha ammaanka anigoo ku hadlaya magaca shaqaalaha caafimaadka ee WHO in la badbaadiyo shaqaalaha caafimaadka ee ku howlan samatabixinta dhibanayaasha reer Falastiin,” ayuu yiri Madaxa ururka Caafimaadka ee WHO.

Hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta iyo Islaamka oo shir wadajir ah uu maanta uga furmay dalka Sacuudiga ayaa ka wada hadlay dagaalka Gaza, iyagoo ku baaqay in xabbad-joojin ah laga hirgaliyo Gasa.

Sidoo kale, waxa ay ku baaqeen in Israel ay qaaddo go’doominta ay ku hayso Gaza, balse Israa’iil ayaa ka biyo diiday inay u hoggaansanto xabad-joojin.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {10-05-2024}

Jimco, 10, May, 2024 {HMC}–Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman macalin muse Farsamadii...

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidanka Boliiska oo soo bandhigay eedeysane horay toorey ugu dilay qof shacab ah

jimco , 10, May, 2024 {HMC} Ciidanka Boliiska oo soo bandhigay eedeysane horay toorey ugu dilay qof shacab ah HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/tm2pShgJpmg

WARARKA