Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Israa’iil oo weerar ku qaadday xero qaxooti iyo hub laga helay

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay sii wadayaan duqeymaha ay ka geysanayaan duleedka xerada qaxootiga ee Al-Shati, oo dhacda galbeedka magaalada Qasa.

Waxa ay sheegeen in howlgalladooda ciidan ay ka mid yihiin Jaamacadda Al-Qudus iyo Masjidka Abuu Bakar, iyagoo sheegay in dagaalyahannada Xamaas ay ka howlgalaan halkaas.

Waxay baahiyeen sawiro muujinaya sida ay sheegeen dhowr iyo toban hub iyo agab ciidan oo lagu soo qabtay howlgalladaas, iyo kuwa la sheegay in laga soo saaray guryo ay deganaayeenxubno ka tirsan Jabhadda hubeysan ee Islaamig Jihaad, iyadoo aan la sheegin magacyadooda.

Israa’iil ayaa u sheegtay Falastiiniyiinta ku sugan waqooyiga Marinka Qasa in ay halkaa ka baxaanayna aadaan dhanka koonfureed toddobaadyo ka hor. Askarta Israa’iil ayaa aaggaas ka hawlgalayey muddo ku dhow toddobaad.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA