Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne xasan Sheekh oo shir deg-deg ah la yeeshay Golaha Wasiirrada

Isniin Nofembar 13, 2023 {HMC}  Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan deg-deg ah, kaasi oo uu shir-guddoomiyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayey saameynta ka dhalatay roobabka wata daadadka xooggan ee ka da’ay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan gurmadka socda ka dhageystay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo sheegay in xukuumaddu ay guddi heer qaran ah u saartay wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee ay saameysay El-Niño.

Madaxweynaha oo kulanka ka hadlay ayaa waxa uu ku ammaanay xukuumadda dadaalka ay gelisay samata-bixinta dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabka iyo daadadka, isaga oo ku boorriyay xubnaha guddiga in ay labo jibbaaraan dadaalkooda.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in dadka looga digo inay ka fogaadaan goobaha qatarta ah, sida meelaha godan iyo goobaha biyo mareennada ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale, oo kulankan aan caadiga ahayn ka qayb-galay ayaa wuxuu Golaha warbixin ka siiyay saameynta roobabku ku yeesheen gobolka Banaadir iyo dadaalka la xiriira arrintan ee uu wado maamulka gobolka.

Ugu dambeyntiina waxaa kulanka golaha lagu meel-mariyey xeer-nidaamiyaha nidaamka xaqiijinta macaamilaadka maaliyadeed iyo hubinta tayada Isgaarsiinta, kaasi oo looga gol-leeyahay in lagu maamulo dhammaan arrimaha la xiriira la-socodka iyo kor-joogteynta macaamilaadka iyo tayada adeegyada Shirkadaha Isgaarsiinta dalka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA