Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wararkii Ugu Dambeyay Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xero ku taalla Muqdisho

Isniin Nofembar 13, 2023 {HMC}  Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goordhow ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad, waxaana fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa.

Goobjoogaal ayaa sheegay in qofka is qarxiyay uu doonayay inuu beegsado ciidamo saf ku jiray oo ku sugnaa halkaasi, balse waxaa ka shakiyay ciidamada ammaanka oo rasaaseeyay, kadibna uu sidaas ku qarxay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadii ku sugnaa goobta ay kala carareen, taasina keentay inay ka badbaaday weerarkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana goobta isku geedaamay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Kuliyadda Jaale Siyaad ayaa waxaa horay uga dhacay weerar kan lamid ah oo lagu dilay askar badan, kadib markii uu isku dhex qarxiyay nin ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, waxaana weerarkaasi ka dhashay tuhun xoogan oo loo soo xiray saraakiil ka tirsan dowladda federaaalka ah ee Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA