Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

70 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay waddanka Burkina Faso

Talado Nofembar 14, 2023 {HMC}  Ugu yaraan 70 qof oo rayid ah oo u badnaa dad waayeel ah iyo carruur ayaa lagu dilay weerar ka dhacay tuulo ku taalal waqooyiga waddanka Burkina Faso horraantii bishan, sida bayaan uu soo saaray uu ku sheegay dacwad-oogaha waddankaas.

Kooxo aan la aqoonsan ayaa weerar ku qaaday tuulada Zaungou oo ku taalla waqooyiga Burkina Faso 5-tii Nofembar, halkaas oo ay ku dileen dadka deegaanka, ayna dab qabadsiiyeen hanti.

Koox ka tirsan hey’adaha caddalaadda oo loo diray inay baaritaan ku sameeyaan ayaa ogaaday in ugu yaraan 70 qof ay dhinteen. Inta badan dhib anayaasha ayaa ahaa carruur iyo waayeel, sida uu bayaan uu soo saaray ku sheegay dacwad-oogaha gobolka.

Waxa ay intaasi ku dartay in aan wali la cayimin tirada saxda ah ee dhaawaca iyo dadka la la’yahay.

“Ciddi ka dambeeysay falalkan waxashnimada ah ilaa iyo hadda lama garanayo, baaritaannaduna waa ay socdaan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Burkina Faso waa mid ka mid ah dhowr waddan oo galbeedka Afrika ah oo la dagaallamaya kacdoonka dhiigga badan ku daatay ee jihaad doonka ah ee xididdada u siibay dalka ay deriska yihiin ee Mali sannadkii 2012-kii.

Reuters.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA