Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Wararkii ugu Dambeeyey Xaalada Baladweyne iyo Qoysas ku go’doonsanaa Biyaha oo lasoo badbaadiyay

Talaado November 14, 2023 {HMC} Xaalada Magaalada Baladweyne ayaa ah mid aad u adag, waxaana Magaalada buux dhaafiyay fatahaada Wabiga Shabeelle, Biyahii ugu xooganaa sanadahan ayaa Magaalada ku dhiftay sanadkan sida ay sheekeyn Maamulka Degmada.

 

Dhinaca kale waxaa jiray dad farabadan oo go’doon ay galiyeen Fatahaada wabiga Shabeelle, kuwaas oo ku nool tuulooynka Magaaalda hoos-yimaado.  Wasaarada gargaarka iyo Maareeynta Masiibooyinka Maamulka Hirshabelle ayaa sheegtay in gurmad sama-tabixin ah u sameeysay ilaa 50 qoys oo biyaha ay galiyeen go’doon labadii maalin ee ugu dambeeyay.

 

Wasaarada ayaa sheegtay in dadka biyaha laga soo saaray ay ahaayeen waayeelo iyo Caruur Jaanis u heli waayay in ay baxaan fatahaada ka hor. Degaanada gurmadka samatabixinta laga wado manta waxaa kamid ah , Nimcaale, Leeboow, Shiniile iyo Qarsooni oo dhamaantood dhinaca waqooyi ka xigo Magaalada Baladweyne.

 

Isku-duwaha wasaarada gargaarka iyo maareeynta Masiibooyinka Gobolka Hiiraan Cabdisalaan faarax maxamed ayaa sheegay in markii hore ay ku shaqeeynayeen hal dooman lakiin hada loo baahday mid kale oo deg deg ah madaama dadka godoonka ah ay aad ubadan yahiin.

 

Mudane Cabdi-salaan ayaa dadka ugu digay inticmaalka Buundada Nuurxawaad oo ah marin halis ah oo biyaha aad ugu xoogan yahiin. Waxaana 24 saac ee ugu dambeeyay biyaha ay qaadeyn ilaa 3 qof oo labo kamid ah ay wali ku maqan yahiin meeydkooda.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA