Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Eretareeya oo isaga baxday tartanka Koobka Adduunka 2026 kaddib cabsi ay ka muujisay in ay baxsadaan Ciyaartoyda!

Talado Nofembar 14, 2023 {HMC}  Xulka Qaranka Eretareeya ayaa isaga baxay Tartanka Isreeb-reebka ee loogu soo baxayo Koobka Adduunka sanadka 2026 ee ka dhacaya Dalalka kala ah Mareykanka, Maksiko & Kanada kuwaas oo ku guuleystay martigelintiisa.

Ciyaartoyda Xulka Eretareeya oo marka ay baxayaan Rihan (Damaanad) ahaan looga reebo Dukumiintayada qaaliga ah ee ay heystaan si ay ugu qasbanaadaan dib ugu laabashada Dalkooda ayaa markaan guud ahaan laga saaray tartanka.
Sababta ay ciyaartoydaan aan loogu qabin kalsooni ay dib ugu laabtaan Dalkooda ayaa lagu sheegay in aysan heysan fursad markale ay dib uga soo baxaan Waddankooda oo dhibaatooyin dhinaca Shaqada iyo maamulka ah uu ka jiro sida hadalka loo dhigay.

Sheekadaan oo ay bannaanka soo dhigtay shabakadda The Guardian ee Dalka Ingiriiska la leeyahay ayaa lagu sheegay in ciyaartoyda oo marar badan aanay dib ugu laaban dalkooda kaddib markii ay usoo safreen waddamo kale oo Afrika ah guud ahaan laga reebay tartanka.

Xiriirka Cayaaraha ee Dalka Eretareeya ee loosoo gaabiyo (ENFF) ayaa la sheegay in uu fariintaan u gudbiyay madaxda sida gaarka ah ugu shaqeyneysa howshaan maadaama go’aankaan uu yahay mid dhanka Dowladda kasoo baxay loosoo marsiiyay.

Tan iyo sanadkii 2009kii waxaa la ogaaday in ku dhowaad 60 cayaaryahan oo dalkooda uga soo baxay in ay ka goysteen Xulka Qaranka Eretareeya oo xitaa waxa ay iska dhiibeen waddamo dhaca Qaaradda Afrika maadaama ay isku arkaan in ay kasoo baxsadeen dhibaatooyin ay ku dhex jireen.

Dalalka colaadaha ay ka jiraan oo ay kamid tahay Soomaaliya ayaa lagu amaanay in ay xakameeyaan ciyaartoydooda oo dib ugu laabta Dalkooda marka ay gutaan waajibka qarankooda taasina ay muujineyso sida ay uga go’an tahay in xulkooda ay soosaaraan.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA