Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Garaad Jaamac oo ku hanjabay in ciidanka SSC ku fasixi doonaan Hargeysa

Talaado November 14, 2023 {HMC} Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa hanjabaad culus u diray xukuumadda Somaliland, oo uu kala dhaxeeyo dagaal xooggan.

Garaad Jaamac ayaa waxa uu ku goodiyay in ciidamada SSC-Khaatumo ay ku fasixi doonaan in ay gudaha u galaan deegaanada Somaliland, haddii buu yiri ay Somaliland joojin weydo daandaansiga ay ka wado dhulkooda.

“Somaliland hadday mar danbe sheegato dhulkayaga ama dhahdo Xad baan soo xiraynaa, aniguna waxa aan tegeynaa guryahooda (Hargeysa) waana soo qab-qaban doonaa kuwii dhibta ka gaystay dhulkayaga,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.

Wuxuu uga digay Somaliland in ay joojiso abaabulka dagaal ee ay ka waddo Oog, xilli maalmihii lasoo dhaafay uu labada dhinac dagaal ku dhexmaray deegaano dhaca duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

“Wax badan waa xakamaynaynaa, si aanay ciidamadeenu uga tallaabin dhulkooda, haddii mardambe ay sheegato Somaliland dhulkayaga waan ku fasixi doona,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Garaadka.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in weli uu socdo oo ay ku jiraan halgankii lagu xoreeyay gobolka Sool, wuxuuna sheegay inay waajib ku tahay in degaanadooda ay ka difaacdaan Somaliland.

Hadalka Garaadka SSC ayaa imanaya maalmo kadib markii duleedka magaalada Laascaanood uu dagaal xooggan ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo, kaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan oo labada dhinac ah.

Isku soo wada duubo, arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii ugu dambeeyay ay daganeyd xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kadib markii Somaliland laga qabsaday xerada Goojacadde.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA