Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweynaha Indonesia oo dhigiisa Biden gaarsiiyey fariin uu ka siday 57 dal oo Muslim ah

Talaado November 14, 2023 {HMC} Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo, ahna madaxweynaha waddanka ugu Muslimiinta badan dunida ayaa Aqalka Cad kula kulmay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Waxaa uu soo gaarsiiyay farriin uu ka siday 57 dowladood oo dunida Muslimka ah, taasoo ay kaga dalbanayeen inuu ku cadaadiyo Israa’iil xabad joojin laga hirgeliyo Gaza.

Joko Widodo ayaa ku cadaadiyay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden intii lagu gudajiray booqashadii aqalka cad inuu soo afjaro xasuuq Gaza ka socda uuna gacan ka geysto xabbad-joojin.

Dagaalkii Israa’iil iyo Xumaas ayaa daboolay wadahadalada, oo loola jeeday in lagu soo bandhigo kor u qaadida xiriirka ka dhexeeya Indonesia iyo Mareykanka

Laakiin Biden ayaam soo hadal qaadin kulaka ka dib arrinta Gaza, isagoo diirada saaray qorsheynta si kor loogu qaado iskaashi lala yeesho Indonesia ilaa heerka ugu sareeya, oo loo yaqaan iskaashi istiraatiijiyadeed oo dhameystiran.

Washington ayaa isku dayaysa iney xulafo ka dhiso gobolka Aasiya-Pacific iyada kaasoo ka dhan ah saameynta Shiinaha ee kor u sii kaceysa, iyadoo Indonesia ay muhiim u tahay dhismaha xulufadaas.

“Waxaan ka wada hadli doonaa wadashaqeynta ku saabsan macdanta loo isticmaalo baytariyada gawaarida korantada iyo tikniyoolajiyada kale ee tamarta nadiifka ah, oo ay leedahay indonesia kayd badan” ayuu yiri Biden.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Khadiija ”Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Wasiir Khadiija ''Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA