Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Mamulka KGS oo shaaciyey tirada dad ku dhintay Baydhaba

Talaado November 14, 2023 {HMC} Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo galabta warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhaba ayaa shaaciyey tirada dad ku dhintay daadadkii ka dhashay roobka deyrta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in 12 qof ay ku dhinteen daadadkii ku dhuftay magaalada Baydhaba, isagoo ka sheekeeyey dhacdooyinka qaar sida ay u dhaceen.

”12 qof ayaa ku dhimatay daadadkii ku dhuftay Baydhabo oo ay ku jirto Haweeney caano keentay magaalada oo Meydkeeda maalmo kadib la helay,” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Sidoo kale Madaxweyne Laftagareen wuxuu sheegay in hanti badan, guryo iyo gaadiid ay burburiyeen daadadka, “dad badan oo tabar yar ayaa ka cararay guryahooda, 50% magaalada waa laga barakacay,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo masuuliyiin ka tirsan maamulkiisa ay kula kulmeen.

Ujeedka wafdiga uu horkcayo ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa daarna sidii uu ugu kuur-gali lahaa xaaladda dadka ay saameyeen daadadka ka dhashay roobabka deyrta (El-Niño).

Saalax oo ay weheliyaan masuuliyiinta hay’adda SODMA, xubno kamid ah hey’adaha samafalka iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa isla markii ay gaareen Baydhabo booqday oo indhaha soo saaray xaaladda ka taagan xeryaha qaxootiga iyo dadka nugul oo ay waxyeello iyo barakac kale kasoo gaartay roobabka.

Sidoo kale ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa kulammo la yeeshay madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen iyo sidoo kale Hay’adaha ka shaqeeya gargaarka.

Waxa uu kula dardaarmay in la mideeyo dhammaan dadaallada socda, si gurmad loo gaarsiiyo dadka biyuhu saameeyeen isla markaana looga hortago cudurrada ka dhasha biyaha.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed inay usoo gurmadaan dadka dhibaataysan ee ay roobabku saameeyeen.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA