Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxay tahay sababta SSC-Khaatumo looga reebay tartanka ciyaraha maamul-goboleedyada Soomaaliya?

Talaado November 14, 2023 {HMC} Ilo ka tirsan wasaaradda ciyaaraha Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in gabi ahaanba laga reebay ciyaartoyda xulka SSC- Khaatumo ka qayb galka ciyaaraha Maamul Goboleedyada dalka oo dhawaan la filayo inay ka furmaan magaalada Muqdisho.

Ilahan ayaa sheegay inay arintan u qaadatay soo jeedin ka timid guddiga garsoorka ee ciyaaraha oo tilmamaay inaysan SSC- Khaatumo buuxin shuruudihii looga baahnaa ka qayb galkooda ciyaarahan

Waxaa sidoo kale wasaaradda ciyaaruhu ay sheegtay inaysan jirin cid cadaadis ku saartay inay ka reebaan liiska ka dib warar soo baxay oo sheegay inay culays soo food saaray.

Magaca Khaatumo ayaa ka soo muuqday liiska isku aadka Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka oo dhawaan ay shaaciyeen wasaarada ciyaaraha iyo xiriirka kubada cagta ee dalka.

‘‘Wasaarada ayaa markii hore qaatay go,aanka in SSC-Khaatmo lagu daro liiska maamulada ciyaaraya sababtoo ah in dhalinyaradaas deeganadooda ay ka dhaceen colaadaha la siiyo fursad ay kaga qayb gali karaan is dhexgalka ayaa ahay muhiimada kowaad hase yeeshee guddiga garsoorka ayaa ku adkaystay inaysan buuxin shuruudihii looga baahnaa saasna aysan ugu qab gali karin ka dibna ay wasaaradu ku qanacday soo jeedintooda” ayey ilo ka tirsan wasaarada ciyaarahu intaa ku dareen.

Dhanka Khaatumo oo aan la hadalnay sarkaal dhanka cayaaraha u qaabilsan ayaa sheegay inay arrintan ka leeyihiin kulan ayna shaacin doonaan wixii uga soo baxa.

Maxay yihiin shuruudaha looga baahan yahay maamul-goboleedyada?

Ka qayb galka ciyaaradaha dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir waxaa qaban qaabadeeeda leh wasaaradda ciyaaraha siyaasad ahaan halka farsamada qabsoomida ay leeyihiin xirirka kubada cagta Soomaaliyeed.

Shuruudo dhowr ah ayaa ku xiran ka qayb galka ciyaarahan heer federal oo lagu qabto Muqdisho labadii sanaba mar.

Mid kasta oo ka mida maamulada goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir waxaa looga baahan yaay inuu leeyahay xiriir kubada cagta oo dhisan iyo guddiyo ciyaaro oo heer gobol ilaa heer degmo ah kuwaas oo nidaamiya ciyaarahaas.

Tan labaadna waxaa inay jiraan tartamo ka dhaca maamulada oo ay qabteen xiriradooda heer gobol ama degmo si looga soo xulo ciyaaryahanada mati lahaa maamulkaas oo ka qayb gali lahaa tartanka ay isku arkayaan dhammaan maamulada dalka.

SSC-Khaatumo oo loo diiday ka qayb galka ciyaarahan ee sanadkan ayaan lahayn xiriro ciyaaraha anana qaban tartamo ciyaaraha oo deeganadoodaa.

Tartankaan ayaa baaqday labadii sano ee lasoo dhaafay, lama qaban 2018 iyo 2019, kaliya saddex jeer ayey dhacday in tartankaan la hirgaliyo waxaana ku guuleystay Puntland, Jubbaland iyo gobolka Banaadir.

Sanadkii 2016 waxaa tartanka hantay xulka Puntland oo rigooreyaal kaga qaaday Jubbaland, halka 2017 ay ku guuleysteen xulka Jubbaland kuwaas oo si aargoosi ah finalka ugu garaacay Puntland.

Xulka gobolka Banaadir ayaa sanadkii 2020-kiina ku guulaystay hanashada kooban ka din markii ay ka adkaadeen Maamulka Galmudug oo markii ugu horeysay finalka koobkan yimi.

Puntland ayaa qaadacday ka qayb galka kulankan kaas oo kaliftay in dib u dhaca muddo sanad tartarkan iyadoo wasaaarada ciyaaraha Puntland ay ku macnaysay in loo maamulin sidii loo baahnaa.

ISHA BBC

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA