Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Tirada askarta Isreal looga dilay dagaalka ka socda gudaha Gaza oo korortay

Talado Nofembar 14, 2023 {HMC} Magaalada Gaza ee dhulka Falastiin waxaa ka socda dagaal toos ah oo u dhaxeeya ciidamada Isreal iyo dagaalyahannada Xamaas, waxaa sidoo kale magaalada ku socda duqeymo culus oo lagu garaacayo.

Ciidamada Isreal ayaa khasaaro xooggan kasoo gaaray duullaanka ay ku qaadeen magaalada Gaza, waxa ayna ciidamada la kulmeen iska caabin xooggan oo kaga timid dhinaca kooxda Xamaas ee maamusha Gaza.

Milatariga Isreal ayaa shalay qirtay in labo askari oo hor leh looga dilay howlgalka dhulka ah ee ku qaadeen magaalada Gaza, waxaa sidoo kale jira askar kale oo badan oo lagu dhaawacay howlhalka.

Warbaahinta Isreal ayaa shaacisay in tirada ciidamada Isreal ee lagu dilay howlgalka dhinaca dhulka ah ee Gaza ka socda hadda gaartay 44-askari,waxaana jira askar kale oo dhaawacyo culus qaba oo laga cabsi qabo in ay u geeriyoodaan.

Dagaalka ka socda magaalada Gaza ayaa la filayaa khasaaraha kasoo gaaraya ciidamada Isreal sii kordhaan, kooxda Xamaas ayaana ku jirta dagaal xooggan ay isaga caabinayaan duullaanka ciidamada Isreal.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA