Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xisbullaah & Israaiil oo laga cabsi qabo in uu dhexmaro Dagaal toos ah.

Talado Nofembar 14, 2023 {HMC}  Waxaa bannaanka usoo baxay dareenka cabsi ee laga muujinayo dagaal toos ah oo dhexmara Xisbullaah iyo Yuhuudda kaddib markii Ciidanka Israaiil ay kordhiyeen duqeynta ay ka geysanayaan Koofurta Dalka Lubnaan.

Weerarkii ugu dambeeyay ee Israaiil ay ku qaadday Koofurta Lubnaan waxaa ka dhashay dhimashada ugu yaraan labo ruux iyo dhaawac intaas ka badan oo dhammaantood ah Rayid waxaana durba billowday dhaqdhaqaaq dagaal oo Xisbullaah & Yuhuudda ah.

Labadaan Dhinac ayaa maalmihii lasoo dhaafay is dhaafsanayay duqeyn xooggan oo magaalooyin muhiim ah ku kala garaacayay waxaana intaasi dheer hanjabaadda culus ay hawada isku mariyeen mas’uuliyiinta labada dhan.

Warbaahinta sida gaarka ah uga xog-waranta Xaaladda ka taagan Bariga Dhexe oo soo xiganeysa khubarada dhinaca Ciidanka ah ayaa daabacday saansaanta muujineysa dagaal toos ah oo dhexmari kara Xisbullaah iyo Israaiil.

Arrinta labaad ee suuragalka ka dhigaya waa in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ay ku goodisay in ay qaadeyso weerar ka dhan ah Israaiil oo muddooyinkii dambe daandaansi ku sameyneyso dhankeeda sida hadalka ay u dhigtay.

Waddamo badan oo ah reer Galbeedka u janjeera dhinaca Israaiil ayaa Yuhuudda uga digay in uu kusii ballaarto dagaalka ay ku jirto maadaama Dalal badan ay ku biirayaan dagaalka looga soo horjeedo si looga hortagana loo baahan yahay joojinta duulaankeeda Magaalada Gaza.

Xukuumadda Netanyahu ayaa dhegaha ka fureysatay dalabaadka Mareykanka iyada oo ku goodisay in aanay dib usoo laaban doonin ciidanka Yuhuudda ilaa ay ka takhalusaan Xamaas oo iska caabin adag kala hortagtay Gumeystaha Israaiil.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA