Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si aan la fileyn uga hadlay xiisadda Israel iyo Falastiin

Arbaco November 15, 2023 {HMC}  Madaxweynaha Somaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo la hadlay wargeyska Arab News inta uu joogay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa sheegay in dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas lagu dhameyn karo heshiis siyaasadeed oo ah qaabka xalka laba waddan.

“Dadka Soomaaliyeed waxay muddo dheer ku jirneen colaad, weynu ognahay halka ay ku danbeyso shaqaaqada iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta iyo natiijada soo baxda marka ay dhamaato colaada,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaa ayaa xusay in qofna aysan gaari karin dhamaadka siyaasadeed iyadoo aan laga hadlin sababaha keenay khilaafka iyo in la adeegsado rabshado ay maalin kasta ku bixi karaan dad rayid .

“Waxaa jira xal caalami ah oo la aqbali karo waana laba dawladood oo ah Falastiin iyo Israa’iil , islamarkaana ku wada nool si nabad ah wayna dhici kartaa,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay dhici karto taasi. Wuxuuse su’aal galiyay sababta adduunku uga shaqayn waayay, si xalkaas loo hirgaliyo.

“Aasaaska dowlad Falastiiniyiintu leeyahiin oo xuduudaheeda yahiin kuwii Juun 1967, caasimadeeduna tahay Qudus, waa dammaanada kaliya ee gobolka uu uga baxayo dadagaalka,” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay shirka Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee dhawaan ku dhamaaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkiisa ku daray “Waxa ka socda Gasa waxay ka soo horjeeddaa damiir aadanaha iyo dhammaan xeerarka iyo dhaqanka Caalamiga ah, si loo joojiyo waa in aan la nimaadnaa go’aan mideysan. Dowlad madax bannaan oo reer Falastiin yeeshaan, caasimadeeduna tahay Qudusta waa xalka kaliya ee lagaga hortagi karo qalalaase amni, siyaasadeed iyo bulsho oo ka dhaca Gobolka.”

In ka badan hal bil, Marinka Gaza waxaa ku socday duqeymo xooggan oo Israel ay kaga aargoosaneysay weerarkii aan hore loo arag ee 7-dii Octobar ee Xamaas ay ku qaadday koonfurta Israa’iil, kaasoo lagu dilay 1,400 oo qof, oo u badnaa rayid, 240 kalena lagu qafaashay.

Duqeymaha Israa’iil, iyo howlgalkii dhulka ee xigay, ayaa sababay in ka badan 11,000 oo dhimasho ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho, iyo barokaca in ka badan kala bar dadka reer Gaza.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA