Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wararkii Ugu Dambeeyay guri ku yaalla magalada Muqdisho oo la qarxiyay

Arbaco November 15, 2023 {HMC} Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax xoogan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo si weyn jugtiisa looga maqlay xaafado ka tirsan caasimada.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miino lagu xiray ilinka hore guri ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, kadibna la qarxiyay.

Guriga la qarxiyay ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu degan yahay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda, wuxuuna ku yaalla agagaarka xerada gaadiidka Booliiska.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in xilliga uu dhacayay qaraxa uu sarkaalka ka maqnaa guriga, mana jiro khasaare lasoo wariyay, marka laga reebo burbur soo gaaray albaabka hore ee guriga lala bartilmaadeedsaday qaraxa miino.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarkaasi qaraxa ah, balse xaaladda ayaa haatan deggan.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya magaalada Muqdisho oo ay sidoo kale howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan ciidamada dowladda.

Weerarkan waxaa ka horreeyay qaraxyo todobaadkii hore lagu xiray xarumo ay Hormuud ku kala lahayd degmada Dayniile iyo deegaanka Ceelasha Biayaha ee duleedka Muqdisho.

Si kastaba, weeraradan ayaa kusoo aadayo, ayada weli dowladda Soomaaliya ay dalka ka waddo howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo dhul ballaaran lagu xoreeyay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA