Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wasiir Dhagawayne”Waan ku faraxsanahay in xilka layga qaado anigoo danaha gobolka Awdal ka shaqaynaya”

Arbaco Nofembar 15, 2023 {HMC}  Cabdi Cismaan Dhagawayne oo ahaa Wasiirkii Maalgashiga Soomaaliland ee uu madaxweynuhu xilka ka qaaday ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in xilka laga qaado xili uu ku hawlana wax ka qabashada tabashooyinka reer Awdal.

Waxa uu sheegay in aanu kursiga aad ugu hamuun qabin, isla markaana uu wax kasta ka jecelyahay ka shaqaynta danaha bulshada uu kasoo jeedo, uuna ku faraxsanyahay in xilka laga qaaday isaga oo danaha bulshada ka shaqaynaya.

 

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in maanta anaga oo uu na hoggaaminayay madaxweyne ku xigeenkii Soomaaliland, oo ka shaqaynaynay danihii gobolka Awdal, iyo horumarkiisa, in hadana madaxweynuhu xilka iga qaado, aad baan ugu faraxsanahay waanan ku bogaadinayaa” ayuu yidhi Dhagawayne.

 

Waxa uu u mahadceliyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isaga oo sheegay in uu qalinkiisa wasiir ku noqday, isla markaana aanay waxba iska badali doonin, waxa uuna sheegay in sidii hore uun uu bulshada ugu shaqayn doono.

 

“Reer Awdalna waxaan leeyahay ha la is dajiyo waddanka inaga ayaa leh, markii horena horumarkiisa uun baynu ka shaqaynaynay hadana horumarkiisa uun baynu ka shaqaynaynaa” ayuu yidhi Dhagawayne.

 

Waxa uu sheegay in uu lasii shaqayn doono xisbiga Kulmiye iyo xukuumada, isla markaana hadii xukuumad kale timaadana uu markasta u baadi dooni doono waxa ka dhiman bulshada gobolka Awdal.

 

Xilka qaadista Dhagawayne ayaa timid kadib hadal uu dhawaan ku sheegay in dadka reer Awdal ay tabasho qabaan, oo ay wax ka maqanyihiin.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Khadiija ”Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Wasiir Khadiija ''Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA