Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Gudoomiyay Shir Looga Hadlaayo Howlgalka ka dhanka ah Al shabaab

Khamiis November 16, 2023 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada oo uu kala hadlay xaaladda amni ee dalka.

Madaxweynaha oo ka dhagaystay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka warbixin ku saabsan wajiga koowaad ee howlgalka xoreynta ayaa tilmaamay in hirgalinta qorshaha mudada dhow ay horseedayso guulaha ay sugayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan ciribtirka Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey naf-hurnimada Ciidanka Soomaaliyeed ee u istaagay xoreyta deegaannada ay argagixisadu kaga harsan yihiin dalka, waxa uuna xusay in abaabulka xoogagga dadweynaha ay wax weyn ka tari doonto halganka.

 

Kulankan waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxuyadiin iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA