Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Murun Xoogan ayaa ka taagan qaadashada Kaarka Aqoonsiga Dalka Kenya iyo Dowladda oo war ka so saartay

Khamiis November 16, 2023 {HMC} Dowladda Wadanka Kenya ayaa hakisay go’aan ay dhawaan ka gaartay qaadashada kaarka aqoonsiga dalka iyo dokumintiyo kale kadib markii arrintan ay muran ka abuurtay gudaha dalkaasi.

Dowladda ayaa hadda dooneysa in arrintaan ay ka talo-geliso dadweynaha ka hor inta aaney dhaqan gelin 1-da bisha January eesanadka 2024-ka.

 

Horey ayay u sheegtay dowladdu in lacago dheeri ah ay ku kordhisay sharciga dalka iyo warqadaha kale.

 

Arrintan ayaa looga falceliyay siyaabo kala duwan, iyadoo shacabka Kenya ay badankood ka soo hor jeesteen.

Qiimaha cusub ayaa la soo rogay iyadoo aan la ogeysiin dadka shacabka ah ee ku nool waddanka, waxayna ku soo aadeysay xili dalku la daala dhacayo sare u kac qiimaha maciishadda.

Muwaadiniinta Kenya ee da’adoodu gaartay 18 sano jir ayaa markii hore si bilaash ah ku qaadan jiray kaarka aqoonsiga dalka, balse dowladda ayaan dhawaan sheegtay in ay bixin doonaan lacag dhan 1,000 shilin oo lacagta Kenya ah oo u dhiganta ilaa 7 doolar.

 

Waxaa sidoo kale dhawaan la kordhiyay lacagta uu qofku bixinayo marka uu ka dhumo ama uu ka guubto, iyadoo laga dhigay 2,000 oo shilin oo u dhiganta 13 doolar, taas oo markii hore ahayd 100 shilin (66 cent) Qaadashada warqadda dhimashada ayaa horey dowladdu uga dhigtay 200 oo shilin ( 1.5 doolar)

 

Waxaana markaas saddex jibaarmay qiimaha lagu qaadanayo warqadda guurka, waxaana laga dhigay 100,000 oo shilin ( in ka badan 700) oo doolar.Qaadashada baasaboorka marka la cusboonaysiinayo ayaa waxaa lagu kordhayay dhawaan qiimo gaaraya boqolkiiba 50.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA