Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Qaramada Midoobay Oo Taageeray Joojinta Dagaalka ka socdo Magaalada Qaza

Khamiis November 16, 2023 {HMC} Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraarka ay soo hordhigtey Malta kaas oo ku baaqaya in la joojiyo duqeynta iyo dagaalada ka socda magaalada Qaza si degdeg ah oo ay bini’aadantinimo ah lana kordhiyo kaalmada gargaarka ee la gaarsiinayo Qaza.
12 xubnood ayaa u codeeyay qaraarka halka saddex dal oo kala ah Maraykanka, UK iyo Ruushka ay ka aamuseen.

Qaraarka ayaa sidoo kale ku baaqaya in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan la haystayaasha u xiran Xamaas iyo kooxaha kale.

Waxay dalbanaysaa in dhammaan dhinacyada ay u hoggaansamaan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah, waxayna ugu baaqaysaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay inuu la socdo oo uu ka warbixiyo dhaqangelinta qaraarkan.

Bishii Oktoobar, Golaha Ammaanku ayaa ku guuldareystay afar jeer inuu soo saaro go’aamo ku baaqaya in xabad-joojin ama joojinta bani’aadamnimada ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA