Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Saddex kamid ah xasaaska AS iyo darawalkii waday oo maxkamad lasoo taagay

kHamiis November 16, 2023 {HMC}  Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa maanta kasoo muuqday saddex kamid ah xaasaska Al-Shabaab iyo darawalkii gaariga ku waday, kuwaas oo horay loogu soo qabtay howlgal ay NISA ka fulisay degmada Warsheekh ee Shabeelaha Dhexe , iyaga oo ku sii jeeday dhanka AS.

Saddexda haween ee kasoo muuqday Maxkamadda ayaa kala ah Sucdi Cabdi Cilmi, Maryan Cali Isaaq iyo Saynab Axmed Cismaan, halka eedeysanaha afaraad isna lagu magacaabo Muxudiin Salaad Cabdulle.

Gabdhahaan saddexda ayaa kala yimid gobollada Shabeelaha Hoose iyo Baay, waxaana Maxkamaddu ay sheegtay inay kusii jeedeen dhanka deegaanka Jowle oo hoostaga magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo ay joogaan AS.

Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay inay isugu yimaadeenm Tabeelaha Sheekh Ibraahim kadibna halkaasi gaari looga qaaday, balse ay ogaatay NISA oo gacanta kusoo dhigtay.

Saddexda gabdhood marka laga soo tago inay yihiin xaasaska AS, waxaa ay xeer ilaalintu ku eedeysay inay la shaqeynayeen kooxda, ayna siin jireen macluumaadka.

Mid kamid gabdhahan oo ka hor hadleysay Maxkamadda ayaa ku doodday “Ninkeyga ayaa Shabaab ah aniga Shabaab ma ihi”.

Sidoo kale eedeysane Muxudiin Salaad Cabdulle ayaa lagu eedeeyay inuu kooxda u ahaa safriye, uuna gabadhaha mid kasta ka qaatay lacag 60 dollar ah oo ay usoo direen Shabaab, waxaa sidoo kale loo haystaa inuu hoy iyo gabaad uu siin jiray xubnaha kooxda.

“Mid kasta oo kamid saddexda dumarka ah wuxuu ka qaatay lacag dhan 60 dollar, waxaana usoo diray mid kamid ah gabdhaha saddexda ah ragga qaba oo dhagar qabayaasha kamid ah oo jabhad ah oo duurkana ku jira” ayuu yiri baaraha kiiskan oo Maxkamadda ka hadlay.

“Lama hayo wax tusinayo in dadkaan ay Shabaab yihiin, maadaama qiraal uusan jirin waxaan maxkamadda sharafta leh ka codsanayaa in gabdhahaas ay xornimadooda siiso” ayuu yiri qareenka u doodaya xaasaska AS ee la horgeeyay Maxkamadda Ciidanka.

Ugu dambeyn waxaa fadhiga Maxkamadda soo xiray guddoomiye Xasan Cali Nuur (Shuute) oo shaaciyay in Maxkamaddu ay dib ka shaacin doonto go’aanka ku aadan xukunka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA