Sunday, May 5, 2024
spot_imgspot_img

Wadamada Soomaali iyo Jabuuti oo caawa laga badiyey, isreebreebka koobka ee 2026.

Khamiis November 16, 2023 {HMC} Xulka qaranka Soomaaliya ayaa ciyaar heersare ah kala hortegay Algeria inkasta oo lagaga adkaaday 3-1, waxaanay soo bandhigeen bandhig-ciyaareed qaangaadh ah oo ay iskaga caabbiyeen xiddigo waaweyn oo uu hoggaaminayey Riyad Mahrez.

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026, waxa ay ku furteen Algeria oo ay marti u ahaayeen, waxaanay soo bandhigeen ciyaar tayadeedu sarrayso oo walwal kusii abuuraysa xulalka kale ee ku wehelinaya Group G.

Qalad xilli hore ahaa oo ay sameeyeen xiddigaha Soomaaliya ayaa fursad siiyey Algeria, kaddib markii kubbad ay u qaateen inay baxday oo uu goolhayuhu iska istaagay uu shabaqiisa kusii leexiyey Axmed Cabdullaahi Cabdi oo isku dayay inuu badbaadiyo.

Goolkan ayaa woxoogaa kala-daadsanaan ah ku keenay ciyaartoyda Soomaaliya, maadaama uu ka dhashay daqiiqaddii 2aad ee bilowga ciyaarta, hase yeeshee waxa ay usoo kabteen niyad ahaan iyagoo isku dayay inay khadka dhexe kula xafiiltamaan xiddigaha waaweyn ee Algeria.

Difaaca bidix ee Soomaaliya ee Cabdi Saalim ayaa shaqo fiican qabtay oo joojiyey Riyad Mahrez, isaga oo garab ka helayay xiddigaha kale ee xulka.

 

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa ku dhowaaday inuu barbarraha keeno qaybtii hore, waxaase diiday nasiibka iyadoo kubbad dhinaca midig laga keenay ay birta kaga dhaxday, iyadoo garsooruhuna aanu dhegaysanin doodda kabtanka xulka oo ku dooday in uu qalad dhacay mar ay koorne soo laadanayeen oo dhulka lagu riday.

 

Algeria ayaa ciyaarta ka dhigtay 2-0 daqiiqaddii 33aad, markaas oo gool labaad uu u dhaliyey Baghdad Bounedjah, waxaana sababta goolkan keentay ay ahayd in khadka dhexe iyo difaacu aanay feejignaan badan gelin.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayaa uu xulka qaranka Soomaaliya dhaliyey gool qurux badan oo uu u saxeexay Yusuf Ahmed oo laynka goolka ka helay kubbad birta kusoo dhaday oo uu meel cidlo ah ka helay.

Goolkan ayaa firfircoonaysiiyey xiddigaha Xulka qaranka Soomaaliya, waxaanay taasi keentay in Algeria ay isbeddel degdeg ah samayso oo ay soo geliso Islam Sulimani oo gool saddexaad oo madax ahaa u dhaliyey Algeria.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-1 ay guushu ku raacday Algeria, laakiin taageereyaasha xulka Soomaaliya ayaa ku qanacsanaa sida uu qarankoodu ula dheelay mid ka mid ah dalalka ugu awoodda badan kubadda cagta Afrika.

Dhinaca kale, xulka qaranka Masar ayaa 6-0 ku xasuuqay xasuuqay Jabuuti oo ay isku group yihiin isreeb-reebka Koobka Adduunka.

Mohamed Salah oo garabka weerarka uga ciyaara Liverpool ayaa dhaliyey afar ka mid ah goolashaas, halka labada kalena ay raaciyeen Mostafa Mohamed iyo Trenzeguet.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {05-05-2024}

Axad 5 April, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

{DAAWO MUQAALKA} Waa tuma gabadha Muslimadda ah ee noqotay taliyaha ciidank cirka Dalka Kenya?

Axad 5, May 2024 {HMC} Maj Gen Fatuma Gaiti Ahmed ayaa noqotay haweenaydii ugu horreysay ee taariikhda dalka Kenya loo magacaabo Taliyaha Ciidamada Cirka...

WARARKA