Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xad gudubyo ba’an oo ka dhan ah caruur & haween ayaa ka socda Magaalada Gaza?

Khamiis November 16, 2023 {HMC} “Xadgudubyo ba’an oo ka dhan ah carruurta iyo haweenka ayaa ka dhacaya magaalada Gaza” ayey tiri Agaasimaha Fulinta ee UNICEF Catherine Russell oo bayaan soo saartay, maalin ka dib booqashadii ay ku tagtay Magaaladaas

“Dhinacyada colaaddu u dhaxayso waxay geysanayaan xad-gudubyo waaweyn oo ka dhan ah carruurta; Kuwaas waxaa ka mid ah dil, naafayn, afduub, weerarro lagu qaaday iskuullada iyo isbitaallada, iyo diidmada gargaarka bini’aadantinimo – dhammaan arrimahaas oo UNICEF ay cambaareyneyso,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Russell waxay intaas ku dartay in marka laga soo tago kumannaanka carruurta ah ee la dilay iyo kuwa la dhaawacay , qaar badan ay maqan yihiin oo la rumeysan yahay in ay ku hoos jiraan dhismayaal burburay, taasoo ay ugu yeertay natiijada naxdinta leh ee ka dhalatay adeegsiga hubka qarxa ee meelaha dadku ku badan yihiin.”

Waxay sheegtay in shaqaalaha UNICEF ay sii wadaan shaqadooda iyaga oo ka wakiil ah carruurta Gaza inkastoo ay si toos ah u saameeyeen iska horimaadka laftooda.

“Dad badan, oo ay ku jiraan shaqaalaheenna iyo qoysaskooda, ayaa hadda ku nool hoy ciriiri ah oo biyo yar leh, cunto iyo fayadhowr wanaagsan lahayn. xaalado keeni kara cudurro dillaaca” ayay tiri.

Russell ayaa ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah si loo oggolaado in gargaar bini’aadannimo oo dheeraad ah la gaaro Gaza, gaar ahaan shidaalka

UNICEF waxa ay sheegtay in in ka badan 700,000 oo carruur ah ay barokaceen tan iyo markii ay bilowdeen iska horimaadyada. 11,255 falastiiniyiin ah oo lagu dilay weerarrada Israel ee Gaza, 4,630 ka mid ah waxay ahaayeen carruur, sida laga soo xigtay tirooyinka Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ee Ramallah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA