Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidanka Israel oo sheegay iney heleen meydka qof ka mid ahayd dadkii la heystay

Jimco November 17, 2023 {HMC} Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in askarteeda ay meel ku dhow Isbitaalka Al-Shifa ka heleen meydka haweeney ka mid aheyd la heystaashii Yuhuuda ahaa ee ay heysatay Xamaas.

Yehudit Weiss ayaa laga soo qafaashay halka la yiraahdo kibbutz oo ku taalla degaanka Be’eri ee gudaha Israel weerarkii Xamaas ee dhacay 7-dii Oktoobar.

Meydka ayaa laga soo saaray wax ay ciidanku ugu yeereen dhisme u dhow xarunta Caafimaadka Al-Shifa

War saxaafadeedka ayaan wax faah faahin ah ka bixin sida ay u dhimatay, mana cadda sida ay xaaladdu ahayd dhismaha markii ay ciidamadu heleen meydka.

Wax tafaasiil ah lagama bixin xilliga la rumeysan yahay inay geeriyootay iyo sababta ay u dhimatay.

Golaha Qoysaska la haysto iyo Qofka la la’yahay ayaa sheegay in Yehudit Weiss ay ahayd ayeeyo 65 jir ah. Ninkeeda, Shmuel, ayaa lagu dilay weerarka Xamaas 7-dii Oktoobar.

Meydka ayaa dib loogu celiyay dhulka Israa’iil, ciidamada ayaa intaa ku daray in qoyskeeda loo sheegay geerida haweeneydan.

Maalmo ka hor ayey aaheyd markii Xamaas ay sii deysay muuqaal muujinaya meydka askariyad ka tirsaneyd ciidanka Israel oo ka mid aheyd la heystayaasha, taasoo ay sheegeen iney ku dhimatay duqeymaha Israel

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA