Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Gargaarkii galayey Gaza oo mar kale u joogsaday labo sababood darteed

Jimco November 17, 2023 {HMC} Gargaarkii ay Qaramada Midoobay geyn jirtay Qaza ayaa mar kale la hakiyay Jimcihii maanta sababo la xiriira shidaal yari iyo isgaarsiin la’aan, taasoo sii xoojisay darxumada kumanaanka kun ee gaajaysan dadka Falastiiniyiinta ah, iyadoo ciidamada Israa’iil ay la dagaallamayaan xoogaga Xamaas.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada Adduunka (WFP) ayaa sheegtay in dadka rayidka ah ay soo food saartay xaalad degdeg ah oo macaluul ah, taasoo ay ugu wacan tahay sahay la’aanta.

Wakaalladda Wararka Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa sheegtay in tiro Falastiiniyiin ah lagu dilay kuwo kalena lagu dhaawacay weerar ay Israa’iil ku qaadday dad barakacayaal ah oo ku sugnaa meel ku dhow xuduudka Rafah ee u dhexeeysa Marinka Qaza iyo Masar oo ah marinka gargaarka.

TV-ga Aljazeera oo soo xiganaya ilo wareedyo ayaa sheegay in sagaal qof ay ku dhinteen duqeynta. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Israa’iil oo ku aadan duqeyntan.

Iyada oo uu dagaalku qarka u saaran yahay in uu galo todobaadkiisii toddobaad, ma jirto wax calaamad ah oo muujineysa in xabad joojin la gaarayo inkasta oo baaqyada caalamiga ah ee la xiriira joojinta dagaalka ay sii kordhayaan.

Iska horimaadka ayaa ka dhashay weerar dhanka xadka ah oo ay qaaday Xamaas 7-dii Oktoobar kaasoo ay ku dileen ilaa 1,400 oo Israa’iiliyiin ah taasoo noqotay maalintii ugu dhimashada badneyd taariikhda gobolka 75-sano.

In ka badan 11,500 oo Falastiiniyiin ah, oo ugu yaraan 4,700 ka mid ah ay carruur yihiin, ayaa lagu dilay weerarrada milatari ee Israa’iil kaga jawaabtay falka Xamaas.

Israa’iil ayaa wacad ku martay inay tirtiri doonto kooxda Xamaas inkastoo khubaradu sheegayaan hadafkaas uusan suuragal aheyn

Guud ahaan xaafadaha Qaza ayaa waxaa dhulka la simay duqaymaha cirka iyo madaafiicda, boqolaal kun oo qof ayaa lagu qasbay in ay ka qaxaan guryahoodii, xaalada bini’aadantinimo ayaa ah mid masiibo ah, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA